CORONA: Dal aan Shiinaha ahayn oo la sheegay inuu isaga kasoo bilowday & dooddii oo isu rogtey muran diblomaasi ah

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2020 – Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa shalay u yeertey Danjiraha Shiinaha u fadhiya dalkaasi si ay ugu gudbiyaan cabasho ku aaddan hadal kasoo yeerey afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Shiinaha oo ahaa inuu Maraykanku ka dambayn karo in cudurka corona uu ka dillaaco Wuhan.

Afhayeenka Zhao Lijian ayaa 12-kii Maarso wuxuu dib u daabacay muuqaal ka yimid Maareeyaha Waaxda Xakamaynta iyo ka hor tagga Cudurrda Maraykanka, Robert Redfield, markaasoo uu Redfield la hadlayey Koongarayska Maraykanka 11-kii Maarso, isagoo u sheegayey in geeri ka dhacday Maraykanka markii dambe la ogaadey inay tahay COVID-19.

Zhao ayaa muuqaalkaa daliil ka dhigtay – waloow aanu Redfield gudbinin wax tafaasiil ah oo ku saabsan bukaannada – wuxuuna ku dooday in fayrasku aanu kasoo bilaababin magaalada Wuhan oo ka tirsan gobolka Hubei, balse ay halkaa geeyeen Ciidamada Maraykanka qaybtooda ciyaaraha oo halkaa uga qayb galay Ciyaaraha Ciidanka Caalamka (Military World Games) bishii Oktoobar 2019-kii.

“CDC waa lagu qabtay, goorma ayaa bukaanka lambar eber Maraykanka lagu arkay? Imisa qof ayuu cudurku ku dhacay? Magacood isbitaallada la dhigay? Waxaa dhacda in Ciidamada Maraykanku ay cudurka Wuhan keeneen? Is caddeeya! Dadkana usoo bandhiga xogaha aad haysaan!” ayuu saraalkan ka tirsan WD Shiinuhu ku yiri war uu dhigay Twitter-ka.

Shalay galabtii Geng Shuang oo isna ah afhayeen ka tirsan Wasaarad Dibadeedka Shiinaha ayaa sheegay in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku qaybsan halka uu cudurku kasoo bilaabmay, balse kama hadlin in warka Zhao uu u dhahan yahay Dowladda Shiinaha, iyadoo ay Maraykanku hadda warkiisa ka ashtakoonayaan.

Si kastaba, kiiskii ugu horreeyey ee rasmi ah ayaa laga diiwaan geliyey magaalda Wuhan dhamaadkii 2019-kii, wuxuuna kaddib cudurku sii dhaafayaa 110 dal.

Waxaana ku dhintay 5,000 oo qof, iyadoo la xaqiijiyey ilaa 140,000 kiis ilaa waqti xaadirkan. WHO ayaa iyaduna si rasmi ugu dhawaaqday inuu yahay saf mareen caalami ah.

Hadalsame Media