21 sano kaddib muxuu yahay moowduuca ku habboon inay Puntland is waydiiso?!! (Faallo kooban)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2020 – 21 sano ayaa Puntland taagan tahay halkii lagu aasaasay, xildhibaannadii la doortay 1998 ayaa wali badh joogaan, marnaba lagama tashan sidii maamul daadejin loo samayn lahaa, oo dadka xilka loogu soo dhoweyn lahaa, si ay madaxdooda u doortaan.

Hub ka dhigis lama sameyn, lamana mideyn ciidamada beeleysan ee reer hebel iyo reer hebel loo kala leeyahay, adeegyada bulshada ayaa dayacan, oo gaadhay in Oksajiin la’aan loogu dhinto Cusbitaallada, Hooyooyinka umul-raaca iyo daryeelkooda ayaa wali la laga tashan.

Intaasoo dhan ayaa u baahan in laga tashado, loo iclaamiyo shirar looga tashanayo sidii looga guuleysan lahaa caqabadaha hor yaalla nolosha muwaadiniinta.

In Dowladda Soomaaliyeed loo shiro wax Dan ah oo ugu jirta ummadda majirto, guud ahaanna waxaasi waa uun siyaasad faashil ah.

Haddii wax laga tabanayo dowladda dhexe, dadka ku metela ha u hawlgalaan xallinteeda.

Imika oo adduunyadu u tashanayso sidii ay ubadbaadin lahaayeen muwaadiniintooda la daalladhacaya cudurka faraha baas ku haya dunida, oo ay la tacaali la’yihiindowladdihii waaweynaa (Ilaahay baa weyne) xil dheeri ah ayaa ina saaran, wax ka weyn dowlad xuduudaheena tagtay ayaa yaalla.

Caqligu ha shaqeeyo, hebel iyo hebel baan u shiraynaa macne keeni maysee.

Waxaa Qoray: Khaliif Faarax Xayir

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media