Saxaafadda Soomaalida oo u muuqata mid fahmi la’ XEELADDA saxaafadda Kenya (Maanta maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2020 – Waxaa taagan doodda dhul boobka ah ee ay Dowladda Kenya iskeed u abaabushey, taasoo ay dunida u fahamsiinayso ”muran dhuleed” u dhexeeya Somalia iyo Kenya, iyadoo diiddan xeerka caalamiga ah maadaama aysan sharci ku taagnayn, balse qaab xeer jajab ah wax ku raadinaysa, taasoo nasiib darro ay garab uga heleeyso kuwo Soomaali sheeganaya.

Warqaadka the Nation ayaa maanta daabacay war uu kasoo xigtey weriye asal Hindi ah, balse Canada ku dhashay, kaasoo kusoo caan baxay faafinta wararka burcad badeedda Soomaalida, Jay Bahadur.

“Arrinta Kenya-Somalia sandihii tegey cirka ayay isku sii shareertay, ilaa ay gaartey heer ay Kenya yeelatay shir heer sare ah oo lagaga hadlayo inay goosato qayb ka tirsan geyiga Somalia,” ayuu yiri Bahadur.

“Ila aha in dunida maanta ay sahlan tahay in si dhab ah loo goosto qayb ka tirsan dal kale, balse waxay muujinaysaa heerka xasaasiyadda xiisadda labada dal,” ayuu daba dhigay Bahadur oo aan faahfaahin in dhulka la goosanayaa uu yahay dhul-badeedka iyo inuu yahay dhul caadi ah.

Marka ay halkaa marayso, saxaafaddii Soomaalida ayaa waxay bilowday inay faafiso warkaas oo aan ahayn mid rasmi ah, balse ay saxaafadda Kenya u adeegsanayso inay isugu muujiso dal figta sare taagan marka loo eego Somalia, si ay u dilaan macnawiyadda Soomaalida.

Saxaafadda Soomaalida oo aan inta badan lahayn qorshe warbaahineed (editorial policy) iyo mabda’ qaran oo fadhiya ayaa umadda ku dhega barjeeysa wararka ay toos uga soo min guuriyaan warbaahinta Kenya oo ku baraarugsan sida ay u shaqeeyso saxaafadda Soomaalidu.

Ma jirto Kenya maanta ku fikiri karta inay dhul Soomaaliyeed qaadato sharci ahaan iyo awood ahaanba, iskaba daa inay sidaa yeeshee.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media