Saxaafadda Kenya oo si ula kac ah u KHALDAYSA ra’yul caamka shacabkeeda (Hal eray oo ay ku celceliyaan)

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2020 – Warbaahinta Kenya ayaa adeegsanaysa xeel doqoni ma garato ah balse aad u fashilan, taasoo ah inay khilaafka Somalia iyo Kenya u sawirayaan mid u dhexeeya ”Farmaajo iyo Kenya.”

Saxaafadda Kenya oo aad uga hormarsan tan Soomaalida ugu yaraan farsamo ahaan iyo mabda’ ahaan, ayaa waxaa bandhigyada TV-yada lasoo fariisiyaa aqoonyahanno aad u marin habaabiya ra’yul caamka shacabka nabadda jecel ee Kenyan-ka ah.

Kenya oo guud ahaan qorsheedu ku dhisan yahay waxa ay Soomaalidu u taqaanno ”ku qabso ku qadi mayside”, isla markaana diiddan in xeerka caalamiga ah lagu kala boxo, balse doonaysa inay xoolo Soomaaliyeed ku xalaashato qaab xeer jajab ah ayaa adeegsata dhowr xeeladood oo ay ka mid yihiin:

In dadka Kenyan-ka ah xaqiiqada laga duwo, lagana dhaadhiciyo in Somalia ay tahay cidda hujuumiga ah ee ay Kenya ka baxsan la’dahay, taasoo ahayd sababtii ay beri dhowayd Kenya u sheegtay in lagu soo ”xad-gudbey.”

In Soomaalida loo sawiro dad bilaa abaal ah, iyadoo ay saxaafadda Kenya shacabka aan inta badan xogta haynin ee dalkaa ka dhaadhicisay in sideedaba ay Soomaalidu tahay cunug yar oo baahan oo ay Kenya biisho iyo in KDF oo ah Xoogga Kenya ay ”nabad ka wada dhigeen Somalia.”

Tan se ugu daran ee ay sidoo kale aad ugu celceliyaan in uu Farmaajo yahay ninka dhibka oo idil wada oo la la’aantiis ay is fahmayaan Kenya iyo Somalia oo sida ay sheegaan arrintan horay ugu heshiiyay.

Arrintan dambe ayaa waxaa rumeeya oo sidoo kale shacabka Soomaalida laftooda xaqiiqada ka duwa siyaasiyiin Soomaali ah oo kiiskan u wajaha si aad u liidata oo muujinaysa inaysan fahmi karin qarada kiiskan amaba aysan dan ka lahayn.

Yeelkeede, waa muhim inay Soomaalidu ku wajahaan in arritani aanay ahayn mid u taalla Xukuumad gaar ah, balse ay tahay arrin soo bilaabatay xilligii xukuumaddii Shariif, kaddibna Xasan Sheekh ayaa geeyay Maxkamadda ICJ, kaddib markii ay Kenya diiddey inay Somalia kala hadasho kiiskan, marka arrintu waa mid qaran oo waxa la isku haysto ma aha boos uu leeyahay Farmaajo ama MW berri iman doona.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media