DAAWO: Aqoonyahan Kenyan ah oo runta u sheegay dalkiisa Kenya!

0

(Nairobi) 12 Maarso 2020 – Sida aan la soconno saxaafadda Kenya ayaa in badan waxay xiisadda ay Kenya lafteedu xaraaraysey ee ka dhaxaysa Somalia iyo Kenya u sawirtaa sidii inay iyadu tahay dalkii caafimaadka sidey ee lagu caasiyey.

Sida aan dhowr mar oo hore ka hadalnay waxaa socda  olole isla socda oo ka kala imanaya Dowladda Kenya iyo Saxaafadda dalkaasi oo isku duuban marka ay timaaddo wajhadda iyo dhisidda aragtida lagu wajahayo Somalia, taasoo inta badan ku dhisan dacaayado been ah oo qiim samaysi ah.

Yeelkeede, waxaa jira aqoonyahanno dhif ah oo arrinta la socda runna ka sheega, kuwaasoo diiddan xabad garaaca aan xikmadda ku dhisnayn ee Kenya sida aqoonyahankan oo dalkiisa runta u sheegay, isagoo leh:

”Waa inaan is waydiinnaa taageerada Jubbaland maka tarjumaysaa daneheenna amaan ee gobolka? Haddii sababta aan Jubbaland u taageerayno ay tahay inaan samayno aag caaggan si aannu uga gaashaamanno weerarrada Al Shabaab, haddaba ma jirtaa caddayn muujinaysa inay weerrradoodu yaraadeen markii aan Somalia galnay?” ayuu is waydiyey.

”In waddaniyad lala karkaro waa sahlan tahay, balse marka arrinta lasii guda galo, Itoobiya waxay taageeraysaa xoojinta Dowladda Somalia, halka Kenya ka taageerayso maamul-goboleedka Jubbaland, taasi waxay dareen xun gelinaysaa Somalia. Marka ma waxaan rabnaa inaan la colloowno Itoobiya, Tanzania. Haddaba marka aannu falanqaynayno siyaasaddeenna dibedda waa inaannu wax u sameeynaa si cilmiyaysan.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media