Jilaa keenay film Soomaalida lagu bahdilayo oo isaga & xaaskiisa laga helay caabuqa corona!

0
Barkhad Abdi (center) learned to swim, navigate small skiff boats, handle weapons -- and act -- for the film Captain Phillips.

(Sydney) 12 Maarso 2020 – Tom Hanks iyo xaaskiisa oo iyaduna fannaan iyo jilaaba ah, Rita Wilson, ayaa laga helay cudurka halista ah ee coronavirus, sida uu qirtay isla atooruhu.

Hanks ayaa sheegay inay Australia joogeen markii ay dareemeen qaboow, jir xanuun iyo woxooga qandho ah, kaddib markii la baarayna laga helay caabuqa coronavirus.

Jilaagan 63-jirka ah ee Oscar-ka hantay ayaa markale la ”baari doonaa”, iyadoo sidoo kale la karaantiili doono oo oo goobaha dadka laga mamnuuci doono si aanu u qaadsiin, sida ay tilmaamuhu dhigayaan.

Hanks waa aktarka jilay film-ka ”Captain Philips” oo sawir liita ka bixinaya guud ahaanba hab-dhaqanka Soomaalida.

Hadalsame Media