Wiil Soomaali ah oo uu dhalay sheekh caan ah oo xalay lagu toogtey magaalada Gothenburg

0

(Gothenburg) 12 Maarso 2020 – Xalay mar ay saacaddu ahayd 22.14 ayaa rasaas laga maqlay jidka Temperaturgatan, waxaana lagu diley wiil Soomaali ah, halka lagu dhaawacay gabar 18-jir ah.

Wiilka ayaa isagoo dhaawac ah isbitaalka loola cararay wuxuuna ku dhintay halkaas, halka gabadhu ay qabto dhaawac fudud, sida ay sheegtay Anna Göransson, afhayeenadda Booliiska Gothenburg.

Laba qof oo kale oo goobta joogtey ayay booliisku qabteen si su’aalo loo waydiiyo, iyadoo la garaacay guryaha goobta shilka u dhow. Ma jiro se qof dembiga lagu tuhmayo oo weli la qabtay.

Booliiska ayaa dilka ku tilmaamay khaarajin, waxaana weli soconaya baaritaanno kala geddisan oo ilaa xalay la wadey.

Allaha u naxariistee, wiilka la diley ayaa waxaa dhalay sheekh caan ka ah magaalada Gothenburg, waana Sh. Cabdiraxmaan Sh. Muxudiin Celi.

Bahda Hadalsame Media waxay sheekha, qoyska, ehelada iyo asxaabtii wiilka dhintay uga tacsiyaynayaan geeridan naxdinta leh.

Hadalsame Media