Turkiga oo gaarey meel uusan abid tegin dal kale oo Muslim ah!!

0

(Ankara) 08 Maarso 2020 – Aqoonyahanno Turkish ah ayaa daraasad u tegey cirif-barafeeda woqooyi ee dunida, iyaga oo halkaa kasoo ururiyey samballo ka kooban dhagxaan, biyo, alje, baraf iyo noolayaal ili ma aragti ah si ay u daraasadeeyaan sira ku qarsoon Badwaynta Antarctic.

Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda Turkiga, Faruk Özlü, ayaa war ay soo saartay ku sharraxday in lagu soo guulaystey wejiga koowaad ee mashruuca oo ay culumadu dib ugu soo shiraacdeen Turkiga, iyagoo qaaradda cad kasoo sameeyay 15 mashruuc oo lagu baarayo badda, nolosha badda iyo dhulka.

Ninka sahankan hoggaaminaya oo ah Ersan Başar ayaa sheegay in cimilada ba’an ee aadka u qaboow oo jirta ay misna ku guulaysteen inay howshooda qabsadaan.

“Waxaannu [Turkey] dunida ugu qaaraami doonnaa cilmi anagoo daraasad ku samaynayna biyaha hoostooda iyo dhulkaba,” ayuu yiri Ersan Başar.

Culumada Turkish-ka ah ayaa ka kooban dhakhaatiir, geed yaqaanno, dhul yaqaanno iyo bad yaqaanno ka socda ilaa 7 jaamacadood oo Turki ah.

Waxay Antarctica markii koowaad u safreen Abriil 2016-kii, iyagoo markaa kaddib 3 jeer booqday, waxayna ku shaqaynayeen heer-kul eber ka hooseeya 12 saacadood maalin kasta.

Hadalsame Media