”Argagixiso caafimaad ayuu adeegsanayaa!” – Iiraan oo Maraykanka ku eedeeysay inuu u gacmo qabanayo cudurka corona!

0

(Tehraan) 08 Maarso 2020 – Iiraan ayaa la hardamaysa la dagaallanka cudurka corona oo haatan wada gaarey gobol kasta oo dalkaasi ah, isla markaana ku dhacay ilaa 6,000 oo qof ayay Iiraan markale Maraykanka ku eedeeysay wax ay ku sheegtay ”argagixiso caafimaad.”

Wasiir Dibadeedka dalkaasi, Javad Zarif, ayaa MW Maraykanka ee Donald Trump ku eedeeyay inuu xaaladda si ula kac uga sii darayo maadaama uu cadaadis dhaqaale sii saarayo dalkiisa.

Ugu yaraan 145 qof ayaa dalkaa ku dhintay ilaa shalay oo Sabti ahayd, iyadoo shalay oo qura ay soo siyaadeen 1,000 kiis oo cusub ay ku jiraan saraakiil sare.

Fatemeh Rahbar, oo dhowaan loo doortay Baarlamanka dalkaasi ayaa Jimcihii cudurkan u xijaabatey – maalin uun kaddib markii uu dhintay Hossein Sheikholeslam, oo ahaa la taliyihii isla Wasiir Dibadeedka, Mohammad Javad Zarif.

“[MW Donald Trump] wuxuu si aad u xun u sii adkaynayaa cunaqabataynta sharci darrada ah ee Iiraan si uu ugu adkeeyo inay la dirirto cudurka #COVID19—xilli ay muwaadiniinteennu dhimanayaan,” ayuu yiri Zarif oo Twitter-ka isticmaalaya.

”Dunidu kama sii aamusi karto #Argagixisada  Dhaqaale ee Maraykanka ee iminka lagu daray  #Argagixiso Caafimaad,” ayuu yiri.

Hadalsame Media