Dadwaynaha Talyaaniga oo lagu kari la’yahay inay raacaan tilmaamaha cudurka corona xilli uu cudurku kusii faafayo (Arag waxa ay sameeyeen)

0

(Milano) 08 Maarso 2020 – Dalka Talyaaniga ayaa noqday midka ugu daran Yurub oo dhan dhanka cudurka corona, waxaana ugu daran gobolka Lombardia iyo 14 kale sida Veneto, Emilia, Piedmonte iyo Marche oo dadka la karaantiilayo ilaa 3-da Abriil.

Waxaa guriga laga bixi karaa kaliya haddii ay daruuri noqoto, waxaana la joojiyey in la iskugu yimaado dukaamaysiga, xafladaha aroosyada, duugta, munaasabadaha, garoomada ciyaaraha iyo carwooyinka. Makhaayaduhu waa furan yihiin, balse waa inaan hal mitir la isu soo dhaafin.

Gobolka Lombardia isaga si gaar ah ayaa loo xirey sida Wuhan oo ah meeshii uu kasoo bilowday, taasoo ka dhigan in 16 milyan oo ay 10 ka tirsani Lombardi deggan yihiin aysan meelna aadi karin wixii ka bilowda maanta ilaa 3-da Abriil, sida ku cad wareegtada RW Giuseppe Conte.

Waxaa gobolladaa ka mid ah Lombardia oo dhan, Veneto (Venice, Padua, Treviso), Piedmont (Asti, Alessandria, Novara, Verbano Cusio Ossola, Vercelli), Emilia Romagna (Modena, Parma, Piacenza, Reggio Emilia, Rimini) iyo gobolka Marche (Pesaro-Urbino).

DADKU MA RAACEEN TILMAAMAHAAS?

Dabcan may! Waxaa caadi saxmad u ah magaalada, jidadka, meelaha laga dukaamaysto, miisaska baararka, iyadoo aysan dadku dheg jalaq u siinin awaamiirta maamullada ay khuseeyso.

Dadka qaar ayaa xitaa kasoo dhuumanaya isbitaallada, halka kuwii lagu amray inay guriga isku karaantiilaan ay dibedda u baxayaan, taasoo faraha kasii bixinaysa xaaladda, iyadoo uu Talyaanigu 24 saac oo lasoo dhaafay uu ka geeri badnaa xitaa Shiinaha.

Halkan ka daawo saxmadda dadwaynaha magaalada Milano oo ah meelaha ugu daran.

Hadalsame Media