”Waxaa la i hor dhigay wareegto!” – Wiilkii Soomaaliga ahaa ee laga reebay dayuurad Muqdisho u socotey oo Hadalsame uga warramay sida ay wax u dheceen!

0

(Torino) 07 Maarso 2020 – Cabdullaahi Axmed oo ah gayfane Soomaaliyeed oo u dooda xuquuqda qaxootiga isla markaana haysta dhalashada Talyaaniga ayaa loo diidey inuu u dhoofo dalka Turkiga oo uu uga sii tallaabi lahaa dalka Somalia.

Cabdullaahi oo isaga oo ku sugan magaalada uu deggan yahay ee Torino khadka ugu warramay Hadalsame Media isaga oo ku sugan magaalada Torino ayaa markii hore loo sheegay in duullimaadkiisii oo ka bixi lahaa Milano dib loo dhigay.

Yeelkeede, markii dambe ayaa Cabdullaahi loo sheegay in Turkish Airlines ay joojisey duullmiyaadyadii tooska ahaa ee ka baxayey Talyaaniga, balse haddii uu dal 3-aad tago uu halkaa ka dhoofi karo, taasoo ku dhalisay inuu u safro dalka deriska la ah ee Faransiiska oo markii hore loo sheegay inay caadi tahay inuu ka dhoofo.

”Waxay igu yiraahdeen qof kasta oo dalalka Talyaaniga, Shiinaha, Iiraan, Ciraaq iyo Koonfurta Kuuriya iwm tegey 14-kii maalmood ee ugu dambeeyay xitaa transit kuma marayo dalkeenna.” ayuu Hadalsame u sheegay Cabdullaahi oo sheegay in warkaasi uu yahay wareegto rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Turkiga.

Cabdullaahi oo ka tirsan jamciyad la yiraahdo Generazione Ponte, ayaa Muqdisho gayn lahaa mashruuc ay siisay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM oo dhanka waxbarashada iyo dhallinyarada ah, isagoo sidoo kale soo booqan lahaa qoyskiisa.

SIDA AY WAX U DHECEEN?

Cabdullaahi oo 12 sano kaddib dib ugu laaban lahaa magaalada Muqdisho ayaa tikitka jartay bilowgii Febraayo isagoo duuli lahaa 1-dii bishan Maarso, isagoo 14:40 ka duuli lahaa Garoonka caalamiga ah ee Malpensa ee Milano.

Jimcadi 28-kii Febraayo ayay Turkish Airlines u direen farriin email ah oo ay ugu sheegayaan in duullimaadkiisii dib loo dhigay, balse uu bixi karo isla maalintaas saacado kaddib oo ah 18;40 Milano – Istanbul – Muqdisho.

Yeelkeede, Sabtidii 29-kii Febraayo ayaa Cabdullaahi markale loo diray email loogu sheegayo in gebi ahaanba ay Turkigu hakiyeen diyaaradaha ka imaanaya Talyaaniga, iyagoo kula taliyey inuu dalka Faransiiska tago, waxay xitaa u bedeleen tikitka oo looga 2-da Maarso, isagoo Paris ka duuli lahaa 16:55.

Markii uu Cabdullaahi Paris gaarey waxaa markale la bedeley qorshihii iyada oo loo sheegay inay jirto wareegto kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Turkiga oo dadka xitaa joogey oo qura afarta dal ee aannu sare kusoo xusnay ee uu Talyaanigu ku jiro, 14-kii maalmood ee ugu dambeeyay, aan wax rukhsad ah loo siinayn inay galaan ama xitaa transit ku maraan Turkiga.

”Waxaan ku iri i baara, waan caafimaad qabaa, laakin waxa igu dhaheen taas ma yeeli karno,” ayuu Cabdullaahi ku yiri Hadalsame.

Cabdullaahi ayaa sheegay in sidoo kale la joojiyey duullimaadyadii isku xirayey Talyaaniga iyo Faransiiska oo haatan dhulka isu mara, iyadoo markii uu halkaa kasoo laabtay ay Torino kusoo dhoweeyeen asxaab Talyaani ah, isla markaana ay waraysi ka qaadday saxaafadda Talyaaniga.

”Waxaa nalaku soo baaray tareenka, wax cudur ahna nalakama helin.” ayuu yiri Cabdullaahi Axmed.

Hadalsame Media