Sababta uu cudurka corona Afrika ugu yar yahay oo qayb ahaan jawaab loo helay! (Sababta?)

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2020 – Cudurka loo yaqaanno caabuqa corona oo la aaminsan yahay inuu bilowday bishii Diseembar 2019-kii ayaa kiiskii ugu horreeyay waxaa magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha laga diiwaan geliyey 7-dii Jannaayo 2020, isagoo markaa kaddib ku faafay wax ka badan 80 dal oo caalamka ah.

Dalalka Afrika ayaa se ilaa iminka ah kuwa ugu yar guud ahaanba caalamka, iyadoo kiisas yar laga soo sheegay Algeria, Tunisia, Morocco, Egypt, Senegal iyo Nigeria iwm. Waxaana ay dad badani is waydiinayaan sababta oo aan ilaa haatan jawaab waafi ah laga bixin.

Yeelkeede, tilmaamo ay sida cudurkan la iskaga ilaalin karo kasoo saartay hay’adda carruurta ugu qaybsan QM ee UNICEF ayaa su’aalaha qaar ka jawaabaysa. Waxay u qoran tahay:

”Haddii uu fayruskani la kulmo heerkul dhan 26-27 decree celcius wuu dhimanayaa, maadaama aanu kulaylka u adkaysan karin, waana sababta uu ugu yar yahay gobollada kulul.” ayaa ka mid ah tilmaamaha.

”Sidaa darteed, cabista biyo diirran iyo isu dhigidda qorraxdu wax bay tarayaan. Waxaa kale oo lagu talinayaa in laga fogaado jallaatada iyo cuntooyinka qaboow.” ayaa la daba dhigay.

Arrintan ayaa loo arki karaa mid ka jawaabaysa sababta aanu caabuqani ilaa iminka dhib wayn ugu gaysanin qaaradda Afrika, mase jirto daraasad moowduuci ah oo ilaa iminka laga sameeyay sababta, maadaama uu cudurku sidoo kale ku dhuftay dalal kaba kulul qaaradda Afrika sida Khaliijka.

Hadalsame Media