DAAWO: ”Haddii ay Yurub oo qaarad ihi heshiisey maxaa isku diray Soomaali oo wax kasta wadaagta?”

0

(Torino) 06 Feb 2019 – Cabdullaahi Axmed, waa gayfane Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi, oo isagoo aad u yar soo caga dhigtay xeebaha gasiiradda Sicilia ee koonfurta Talyaaniga, wuxuu u dhaqdhaqaaqaa dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka DAAWO…

Wuxuu Cabdullaahi oo dalka Somalia uga soo tegey qoys ballaarani uu dadka Talyaaniga ah u sharraxayaa waxa ay ka dhigan tahay inaad dalkooda timaado adigoo ah qaxooti habqan ah oo aan waxba haysanin, xitaa baasaboor.

Wuxuu muujinayaa sida uu abaal uga hayo dadka degmada Settimo Torinese ee magaalada Torino oo gacan qabtay, balse sidoo kale wuxuu sheegay inuu ku dadaaley inuu luuqadda barto, shaqo helo, guri helo kaddibna kasbado jinsiyadda Talyaaniga.

Wuxuu Cabdullaahi sheegay inay jirto maalin bedeshey noloshiisa Talyaaniga; waa maalin ku beegnayd 3-da Oktoobar, 2013, goortaasoo ay gasiiradda Lampedusa ku dhinteen 368 qof, isagoo sheegay in maalintaa wixii ka dambeeyay uu ka shaqeeynayay caawinta dadka muhaajiriinta ah.

WIXII YURUB KA DHICI KARA SOMALIA WAA KA DHICI KARAAN

Wuxuu sheegay in Yurub oo mar is dilaysay ay maanta ku nool yihiin 500m oo qof oo nabad ku wada nool, sidaa darteed, wuxuu sheegay in Somalia oo wax kasta wadaagta, dhul beeraad iyo khayraadna lihi ay 30 sano is laynayso, balse ay tala xumo hayso.


Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Soomaalida loo sheego in Yurubba ay is dishey, oo magaalooyinka quruxda badan ee aan aragnay ay mar burbur ahaayeen, markaana lagu boorriyo inay sidaa oo kale yeelaan oo heshiiyaan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media