Kenya oo ogolaatay inay DF Somalia kala xaajooto wixii ku saabsan Somalia

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2020 – War Saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay inay wada hadal yeesheen labada Madaxwayne ee Somalia & Kenya.

Warkan kasoo baxay Madaxtooyada ayaa u dhignaa sidatan:

”Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

”Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

”Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.”

Kenya ayaa shalay kulan uu yeeshay Golaha Amaanka dalkaasi kasoo saartay war ay ku sheegtay inay Somalia ”kusoo xad-gudubtey madax bannaanida gayi” ee Kenya.

Labada dal oo aan sanadahan isku fiicnayn tan muran badda ee ay Kenya waddo, waxaa uga sii daray arrinta Cabdi Janan oo ku dhuumaalaysanaya gudaha Kenya, isla markaana looga adkaaday dagaal uu ku qaaday Beled Xaawo.

Hadalsame Media