Jarmalka oo gacan ka gaysanaya mug-dhisidda xirfadda Somalia (Dugsiyo farsamo oo laga dhisayo caasimadda & gobollada)

0

(Muqdisho) 05 Maarso 2020 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa, ayaa qaabiley, Marius Rauh, Madaxa Iskaashiga iyo Horumarinta ugu qaybsna Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Jarmalka ee khuseeya dhinacyada iskaashiga, farsamada, waxbarashada, xirfadaha iyo tababarrada.

Dowladda Jarmalka, waxay ka taageeraysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, sidii lagu horumarin lahaa xirfadaha iyo tababarrada, iyadoo kooxdii u horreysay oo ka tirsan Waaxda Xirfadaha iyo Tababbarada (TVET) dhowaan loo qaadi doono dalka dibaddiisa, si kor loogu qaado xirfaddooda.

Dhanka kale, waxaa dhowaan dib loo howlgallin doonaa dugsiyada farsamada gacanta ee ku yaal caasimadda Muqdisho iyo dowlad-gobolleedyada dalka.

“Ka wasaarad ahaan waxaan dadaal ku bixinay sidii Waaxdeenna Xirfadaha iyo Tababbarada (TVET) ay u qaadan laheyd door la arki karo” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

Jarmanka ayaa ahaa dalkii dhisay Dugsiga Farsamada Wershadaha oo ku yaalla If Xalan, kaasoo ka mid ahaa meelihii ka badbaadey dagaallada sokeeye, balse ku burburay dagaalkii ay Itoobiyaanku kusoo qaadeen Muqdisho dhamaadkii 2006-dii.

Hadalsame Media