”Somalia waxay kusoo ”xad-gudubtey” madax bannaanida gayi ee Kenya”

0

(Nairobi) 04 Maarso 2020 – Madaxtooyada Kenya ayaa soo saartay bayaan ay uga hadleyso xadgudub ay sheegtay inay Soomaaliya u geysatay dhulka Kenya iyo madaxbannaanideedaba.

War-saxaafadeedkan, oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee madaxtooyada Nairobi ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah, 4, March,2020, uu dhacay kulan khaas ah oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaran ee Kenya, kaasoo uu shir guddoominayay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Shirkan ayaa sida ay madaxtooyadu sheegtay lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin: Bayaan ay 5-tii bishii February soo saartay dowladda Soomaaliya; Eedeymo uu Kenya u jeediyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Abuukar Daahir Cusmaan, xilli uu ku sugnaa magaalada New York, 27-kii bishii February, 2020-ka; Iyo weerar aan oggolaansho loo heysanin oo ay Dowladda Federaalka ku qaadday dhulka iyo madaxbannaanida Kenya, taariikhdu markii ay ahayd 2-dii bishan March, 2020-ka.

“Golaha Amniga Qaranka wuxuu muujiyay walaac ku aaddan xadgudubka ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya 2-dii bishan March, 2020-ka u geysteen dhulka iyo madaxbannaanida Kenya; halkaasoo ciidamada ajnabiga ah ay ku sameeyeen falal cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada kasoo horjeeda gardarrada iyo ficillada kale ee cadaawadda ah, iyagoo dhibaateeyay hantina ka burburiyay muwaadiniin reer Kenya ah oo ku nool magaalada xadka ku taalla ee Mandheera”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan.

Kenya ayaa sheegtay in aysan wax jawaab ah ka bixinin ficilladaas ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya, taas baddalkeedana “ay is xakameysay iyadoo eegeysa xiriirka soo jireenka ah ee dhaqanka iyo nabad ilaalinta ee u dhaxeeya labada dal”.

Dhinaca kale, Kenya waxay si kulul uga jawaabtay eedeymaha uga yimid dhinaca Soomaaliya, waxaana war saxaafadeedkan lagu yiri: “Dhaleeceynta aan sal iyo raadka lahayn iyo eedeymaha ay soo jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah in Kenya ay faragalisay arrimaha gudaha ee Soomaaliya; waxay qeyb ka yihiin ficillada gurracan ee isdaba joogga ah, kuwaasoo Kenya loogu adeegsanayo in loogu marmarsiiyoodo caqabadaha Soomaaliya heysta ee ku yimid sababaha siyaasadeed. Kenya ma aqbali doonto in sidaas loo isticmaalo”.

“Dhab ahaantii waxaan ku dhiirrigalineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso ol’olaha noocan ah, ayna xooggeeda iyo tamarteedaba isugu geyso sidii ay hoggaan fiican u yeelan lahayd ugana shaqeyn lahayd horumarka dadkeeda”, ayaa lagu yiri Bayaankan oo qormadiisu ay dheereyd.

Waxaa kale oo lagu sheegay in Kenya ay dadaal badan iyo dhaqaaleba galisay sidii ay Soomaaliya u heli lahayd nabadgalyo, ayna hadda ku faraxsantahay in 30 sano kaddib la arkay nabad ka hana qaadday Soomaaliya.

Bayaankan, oo ay ku saxiixneyd haweeneyda afhayeenka ka ah madaxtooyada Kenya, Kanze Dena-Mararo, ayaa lagu sheegay in Kenya ay rajeyneyso in laamaha ammaanka ee Soomaaliya oo isugu jira heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay isu kaashan doonaan sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay dowladda Kenya ayaa yimid kaddib markii dhawaan ay dowladda Soomaaliya soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegtay in Kenya ay si joogto ah u waddo xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.

Wali Soomaaliya kama aysan jawaabin warkan ugu dambeeyay ee kasoo baxay Kenya.

Xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kaddib markii uu soo cusboonaaday muranka la xiriira lahaanshaha qeybo ka mid ah xadka dhinaca badda, halkaasoo la sheegay inuu ku jiro kheyraad qiimo badan leh.

Image caption Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaaday markii uu dhashay muranka badda

Hase yeeshee, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda Adduunka ayaa laga dhur sugayaa go’aanka ay ka soo saarto dacwad la xiriirta arrintan oo ay horay ugu gudbisay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa socday dadaallo la isugu soo dhaweynayay labada waddan, iyadoo door muhiim ahna uu howshaas ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhowr jeer is arkay, iyagoo markii ugu dambeysayna heshiis ku gaaray magaalada Nairobi.

Balse waxay u muuqataa in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn.

Isha: BBC

Hadalsame Media