DHEGEYSO: Cudurka corona oo saamayn xun ku yeelan kara dhaqaalaha caalamka (Arag boqolleeyda)

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2020 – Dowladda Sweden ayaa dhintay filashadii ku saabsanayd koritaanka dhaqaalaha Sweden oo iminka hoos u dhacday 0.3 boqolkiiba, sida ay sheegtay Wasiirka Maaaliyadda Magdalena Andersson (S) oo shir jaraa’id qabatay.

”Waxaan samaynay qiimayn ku saabsan xogta aanu manta hayno, waxayna tahay in kobaca dhaqaale ee caalamku uu sanadkan hoos dhacayo 0.5%, taasoo ay keentay faafitaan cudurka coronavirus,’’ ayay tiri.

Cudurkan ayaa horraanba saamayn xun ku yeeshay dhaqaalaha dalka Shiinaha, iyadoo ay hay’adda caalamiga ah ee iskaashiga dhaqaalaha ee OECD ay ka digtey in uu sidoo kale saamayn karo dhaqaalayoowga caalamka guud ahaan.

Waxay hay’addani saadisay inuu kobaca dhaqaale ee caalamka oo markii hore la filayay inuu kori doono 2.9% uu imanka kobci doono 2.4%.

Wasiiradda Maaliyadda Sweden ayaa haddaba ka hadlaysa saadaashooda ku aaddan xaddiga kobaca dhaqaalaha Sweden ee sanadkan 2020.

”Marka qiyaasteenna Sweden la eego, koritaanka sanadkani wuxuu noqonayaa mid 0.3% ka hooseeya sidii ay ahaan lahayd, haddii aanu imanin wax coronavirus ah. Waana qiyaase ma aha tiro rasmi ah,” ayay raacisay.

Dhowr sharikadood oo Swedish ah, gaar ahaan kuwa waawayn ayaa ama hakiyey ama adkeeyay safarradii dibedda cudurka corona virus dartii, tusaale ahaan sharikadda dhismaha ee Skanska ayaa iyadu haatan joojiyey saffaradii dibedda oo dhan.

Hadalsame Media