Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo cows dhigistii lagu bilaabay + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Maarso 2020 – Waxaa meel wanaagsan maraya dayactirka ku socda Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo ah dhismaha ugu muhiimsan tuulada ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho oo uu sidoo kale ka mid yahay Garoonka Kubadda Kolayga iyo kuwo kale.

Waxaa haatan la bilaabay dhigista cowska macmalka ah, kaasoo ah wejiga ugu dambeeya ee ka haray dayactirka garoonka qaybta kubadda cagta, iyadoo kaddib toos loogu ciyaari doono.

Waxaa cowskan iyo farsamada la socotaba bixinaya Xiriirka Caalamiga ah ee Kubadda Cagta ee FIFA oo sidan oo kale garoomo kale oo caasimadda ku yaalla cowskan u dhigtay, sida Garoonka qadiimiga ah ee Koonis.

Halkan hoose ka daawo sawirrada.

Hadalsame Media