YAAB: Tupac Shakur oo la sheegay inuu Somalia ku nool yahay & magaalada oo la sheegay!

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2020 – RAPPER-kii caanka ahaa ee Tupac Shakur ayaa la sheegay inuu ‘weli nool yahay oo uu joogo dalka Somalia isagoo uu wehliyo Yaki Kadafi’ sida ay sheegayaan aragti-dhagareedyadu.

Fannaanka Hit Em Up ayaa la sheegay in lagu toogtey magaalada Las Vegas sanaddii 1996-kii, isagoo kasoo baxaya meel lagu dhigayey ciyaar ah oo Mike Tyson ku jirey. Wuxuu ahaa 25 jir.

Qolyaha aragti dhagareedka faafiya ayaa ku dooda in Tupac uu geeridiisa jilay oo uu weli nool yahay, iyagoo ku sheega meelo kala duwan – waxaana ka mid ah sawir soo daahiray sanadkii tegey.

Aragtida ugu dambaysa, ayaa sida uu qabo Daily Star oo uu soo xigtey The Sun, waxay sheegaysaa inuu xiddigani ku nool yahay dalka Somalia – isagoo uu la joogo Yaki Kadafi, oo ah heesaagii Outlawz oo isna lagu khaarajiyey New Jersey 3 bilood uun kaddib geeridii Tupac.

Nin la yiraahdo Suldaan Mehdi, ayaa soo qoray: “Aniga ayaa arkay Tupac iyo Kadafi kaddib dhimashadooda – waxay joogaan Somalia.”

“Waxaan arkay iyaga oo nool, waxaan ku jirey gaari, iyaguna jihada kale ayay ii waydaarteen,” ayuu daba dhigay.

Tupac ayaa weliba waxay wararkani sheegayaan inuu ku nool yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Hadalsame Media