CORONA: Heerkul sheegaha garoomada yaalla oo CILLAD yeeshay & Kenya oo qaadday tillaabo halis gelin karta dadka Kenya ku nool

0

(Nairobi) 01 Maarso 2020 – Baaritaannada garoomada lagu sameeyo ee ku aaddan cudurka coronavirus ayaa la ogaadey inay cillad wayn leeyihiin oo ay rakaabka qaar khiyaameeyaan.

Kariuki Njenga, oo ah xeel dheere yaqaanna caabuqyada iyo Maareeyaha Barnaamijka Caafimaadka Caalamiga ah ee Washington State University Global ee Kenya, ayaa Sunday Nation maanta u sheegay in haddii ay dadku qandhe dile isticmaalaan saacado kahor, aanu waxba ka arki karin qandha sheegaha laysarka ah ee garoomada lala taagan yahay.

Prof Njenga ayaa sidaa darteed sheegay inaysan waxba ku toornayn heer kul sheegaha laysarka ee garoomada yaalla.

Dhanka kale, dowladda Kenya ayay cilmi baarayaasha baaray noocyada coronvirus sida MERS-CoV, waxay ku dhaliileen sida ay 239 rakaab ah ugu ogolaatay inay kasoo laabtaan Shiinaha, iyagoo si xun u maareeyay karaantiilka dadka, isla markaana boqollaal qof dartood halis u gelinaya nolosha 47 milyan.

Waxay sheegeen in kiisaska Talyaanigu ay ka bilowdeen maarayn xumo, oo ay dalal badani ka bilowdeen dad ka yimid magaalada Milano oo aan laga sameeynin karaantiil sax ah.

Prof Rodney Adam, oo yaqaanna waxyaabaha cudurrada sababa ayaa sheegay in aan kaliya diiradda la saaran xanibaadaha safarka, balse sidoo kale la eego maaraynta dadka buka iyo karaantiilkooda.

Hadalsame Media