GAASHAANKII GUGA: Turkiga oo bilaabay howlgal ballaaran oo ka dhan ciidamada Suuriya (Waxyeello uu gaarsiiyey?)

0

(Ankara) 01 Maarso 2020 – Ciidamada Xoogga Turkiga ayaa Idlib ka bilaabay ololaha Gaashaankii Guga, kaasoo qayb ka ah jawaabo xiriir ah oo ay ka bixinayaan weerarkii ciidamada Asad ee 27-kii bishii hore, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegtay inay laayeen 2,200 ka tirsan ciidamada Asad, isla markaana ay burburiyeen hal daroon, 8 dayuuradaha qumaatiga u kaca ah, 103 taangi, 10 howsar iyo 3 hannaan oo daafaca cirka ah, sida uu yiri.

Howlgalkan ayay Turkigu qaadeen kaddib markii cirka laga duqeeyay saldhigyo ay ka joogeen Woqooyi Galbeed Suuriya, halkaasoo lagu diley 34 askari, tobaneeyana lagaga dhaawacay.

Waxaa xusid mudan in Maraykanku uu horay Turkiga ugu diidey inuu ka iibiyo gantaalaha Patriot, taasoo keentay inuu Turkigu u weecdo kuwa S-400 ee uu sameeyo Ruushka oo aanay hadda isku fiicnayn, waloow loo daabulay qaybtii 1-aad.

Dhanka kale, Wasiir Dibadeedka, Mevlüt Çavuşoğlu said ayaa sheegay inay Ankara Maraykanka ka codsatay inuu ku caawiyo hannaan difaaca cirka ee Patriot si ay gurmad ahaan ugu adeegsadaan howlgalka Idlib.

Çavuşoğlu ayaa warkan sheegay kaddib markii uu shalaytoole Qadar kula kulmay Mike Pompeo, isagoo dhanka kale Bashar Assad ugu baaqay inuu joojiyo weerarka Idlib.

Hadalsame Media