Muuse Biixi oo ah Madaxwaynaha qura ee soo maray Somaliland ee aan lahayn….

0

(Hargaysa) 01 Maarso 2020 – Waxa dhaba in aan MUUSE BIIXI lagu dooran aragti siyaasadeed oo uu la yimid, ma na ahayn nin garasho, aqoon, hala-abuur iyo hoggaamin toona lagu xishay; dadka doortayna waxay u badnaayeen beeshiisa iyo beesha kale ee uu Siilaanyo ka soo jeedo.

Codkii ugu badnaa wuxu ku helay oo u hiilisay qabyaalad, in kale oo aan yarayn oo ka mid ah beeshiisa iyo dad kale oo muwaadiniin ahina waxay ku raaceen oo ay aaminsanaayeen maaddama oo uu askari ahaan jiray, inu noqon doono madaxweyne fulin doona sharciga, una hoggaansami doona xeerarka dalka, dhaqankii dawladnimo ee caddadawlmayna soo celin doona.

Laakiin taasi may rumoobin, oo caawa dadkii arrintaas ku raacay iyo ummaddii kale ee aan u codaynba waxay jooggaan quus, oo waxa riyo noqotay inu sharcigu sarrayn doono, sababta oo ah labadii sanadood ee uu jooggay arrintaas waxba kama qaban, oo isagiibaaba gacan togaalayn ku awr-dhabay qaanuunkii dalka.

Muuse Biixi waa madaxweynaha keliya ee Soomaaliland soo maray, ee aan lahayn La Taliye Sharci (Legal Advisor). Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee wareegtooyin ku baabi’iyay Xeerar Baarlamaan soo saaray (Parliamentary Acts).

Waa madaxweynihii ugu horreeyay ee intu meel soo istaagay yidhi xisbiyadiibaan furayaa, iyada oo aanay dhammaan tobankii sanadood ee ay mandateka haysteen, isla markaana aan gar-waaqsan mihiimadda u leeyahay qodobka 9(1) ee Dastuurka Soomaliland iyo Xeer.lr.20/2001. Waana madaxweynihii ugu horreeyay ee si badheedh ah u jebiyay Xeerarka doorashooyinka, ka dib markii uu dhamaadkii toddobaadkii dhowayd xisbiyada la galay heshiis qayru sharci ah oo ka hor imanaaya jiritaanka, shakhsiyada qaanuuniga ah iyo madax banaanida uu XEER.Lr. 20/2001 siiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka.

Waa halkii Hadraawiye:

“Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido,
Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi-furan keeno,
Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero,
Guudaan haddii uu ku liqo ereyga geedeysan,
Runta wuxu u guul-guulayaa way gun-dheer tahaye,
Goldaloolo qudha maaha iyo goonnidaa taliye,
Gedaan loo filayn baa jirtiyo geel-la-daaq kale’e,
Hadba geed-is-maris baa u hadha guul dad leeyahaye,
Miyaan Geeddi-baabbow arladu, gelina waayeynin?!”

Waxaa Qoray: Maxamed Cali-ruush

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media