Saxaafadda Somalia waxay u baahan tahay inay aragtidan bedesho!

0

(Hadalsame) 01 Maarso 2020 – Warbaahinta Soomaaliyeed dib u habeyn ayey rabtaa, dhowr marna waa sheegay.

Nasiib darrada naheysata ayey ka mid tahay marka askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya la dilo in warbaahinteena iyo suxufiinteenu dhahaan, waxaa la dilay askar ka tirsan Dowladda.

Barbar dhig warbaahinta dunida kale.

Kenya oo ugu sokeysa marka askar looga dilo Soomaaliya ama gudaha Kenya waxay ka dhahaan waxaa la dilay Askar Kiinyaan ah.

Jarmalka AMA Mareykanka iyo meelaha kale ee caalamka haddii la dilo askar ka soo jeeda waxay warbaahinta Dalalkaasi dhahaan waxaa la dilay Askar Jarmal ah, 3 askari oo Mareykan ah iyo wixii la mid ah.

War fidiyeenka Maraykanka Ma dhahaan waxaa la dilay askar ka tirsan dowladda.

Ma dhahaan warbaahinta Kenya waxaa la dilay askar ka tirsan dowladda Kenya. Laakin taa bedelkeeda waxay dhahaan waxaa la dilay shan askari oo ka tirsan military Kenya. Dunida kalena waa la mid ah.

Warbaahinteena gudaha iyo dadka ka shaqeeyaa sidii Ajaanib camal ayey dalkooda kaga waramayaan.

Xitaa warbaahinta caalamka waxay Dhahdaa waxaa la dilay shan ka mid ah ciidamada amniga Soomaaliya, halka warbaahinteena dhahdo waxaa la dilay dad ka tirsan Nabad sugida waxaa la dilay ciidamada oo intaas gaaraya.

Waxaad moodaa in warbaahinteenu dowladdaba ka mid ahayn.

Dowladda laguu sheegayo waa shacabka. Shan qof oo shacab ayaa la dilay waxay ku leeyihiin waxaa la dilay qof shacab ah, meeshii ay ka dhihi lahaayeen waxaa la dilay waa muwaadin Soomaali ah sida Booolisku sheegay, iyo wixii la mid ah.

Ujeedada ugu weyn waa in la muujiyo inaad mar walba iyo meel walba muwaadin tahay qofkii dalkaaga ka dhintana muwaadin yahay.

Qabkii Muwaadinimo iyo Soomaalinimo waxaa labada ka qadsan dhalinyarada warbaahinteena iyo milkiilayaasha.

Waxaa Qoray: Maxamed Firxad

Hadalsame Media