NINBA MARKIISA: Dowladda Somalia oo Muqdisho ugu yeeratey Xildhibaanno Kenyan ah, arrin xasaasi ah oo lagala hadlayo & Kenya oo ka walaacsan!!

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2020 – Ilaa 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya isla markaana metla Degmooyinka Wajeer iyo Mandheera ayaa u duulay Somalia, iyadoo aysan ogayn Dowladda Kenya, jeer ay labada dal markale isku qardoofeen arrinta Cabdi Janan.

Xildhibaannadan oo farsamo ahaan Kenyan ah, ayaa la sheegay inay Muqdisho u raaceen dayuuradda Salaamair Air Express, duullimaadkii uu tirsigiisu ahaa Flight WU-751 kaasoo shalay Sabtigii 11 am ee barqannimo soo aadey dhanka Xamar.


Rag u hadlay Kenya ayaa sheegay in madaxdani aanay mas’uul ka ahayn Dowladda Kenya ama aanay wax wakaalad ah oo diblomaasiyadeed ugu xil saarrayn Wasaarad Dibadeedka Kenya.

Xildhibaannadan ayaa la sheegay inay Muqdisho kula shiri doonaan saraakiil sare oo ka tirsan Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, iyadoo la sheegay in lagu cadaadin doono inay Kenya ku adkeeyaan inay soo wareejiso ninka ay hayso isla markaana ay joojiso taageerada hoggaamiyaha Jubbaland ee Axmed Madoobe.

Siyaasiyiintan ayaa la sheegay inay u janjeeraan dhanka moowqifka Somalia, iyagoo khalad u arka doorka qalloocan ee ay Kenya ku leedahay siyaasadda Somalia.

Waxaa jirta xiisad ka oogan xad beenaadka labada dal e dhanka Buulo Xaawo, kaddib markii halkaa la geeyay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka (SNA), taasoo ay walaac badan ka muujiyeen deganayaasha Mandheera oo haatan ku jirta xukunka Kenya.

Hadalsame Media