DEG DEG: Booliiska Kenya oo ku dheggan Xildhibaanno ”safar qarsoodi ah” ku tegey Muqdisho (Su’aalaha hor yaalla & magacyada)

0

(Nairobi) 01 Maarso 2020 – Ugu yaraan 8 xildhibaan oo ka socda Gobolka Woqooyi Bari ee iminka hoos taga Kenya ayay su’aalo waydiinayaan Booliiska Kenya oo ku eedeeyay inay ”kulan qarsoodi ah” Somalia ku tageen.

Citizen Digital ayaa fahamsan in Xildhibaannadan oo ka kala socda Degmooyinka Wajeer iyo Mandheera oo shalay u shiraacday dhanka Muqdisho ay iminka soo laabteen iyagoo wata dayuurad ingayr ah oo kusoo degtey Wilson Airport, ay iskugu jiraan:

Ahmed Kolosh (Galbeedka Wajeer), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Bariga Wajeer), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Bariga Mandheera), Bashir Abdullahi (Woqooyiga Mandheera), Adan Haji (Galbeedka Mandheera) iyo Kullow Macalim (Banisa).

Ilo ku dhow dembi baarayaasha Kenya ayaa sheegaya inay raggani shir qarsoodi ah Muqdisho kula yeesheen Sirdoonka Somalia ee NISA.

Waxaana haatan looga fadhiyaa inay sharraxaan ajeendihii kulankaasi, maadaama uu haatan murugsan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Somalia.

Waxaa sidoo kale nimankan Xildhibaannadan sideedda ah la waydiinayaa inay sheegaan dabeecadda safarka; ma mid rasmi ah baa mise waa mid gaar ah, iyadoo midkoodba xaq loogu lahaa inay ku wargeliyaan Guddoonka Baarlamanka Kenya, taasoo aysan samaynin.

Hadalsame Media