”Shacabku waxay ka cabsanayaan ciidamada SNA” – Xildhibaan Kenya ka dalbaday inay sharraxdo sababta uu Janan Mandheera u joogo!

0

(Mandheera) 29 Feb 2020 – Ergayga Gaarka ah ee Somalia u fadhiya QM ayaa cambaareeyay Kenya oo uu ku tilmaamay “cudud u joogta qaska Somalia” isagoo ku hanjabey inuu ashtako rasmi ah u gudbinayo QM, si tillaabo looga qaado.

War aad u taag taagan oo uu Ergaygu ka jeediyey, wuxuu Danjire Abuukar Daahir Cismaan tilmaamay  “inay isku dayeen xal kasta oo diblomaasiyadeed”, balse ay Kenya doonayso inay waxba kama jiraan kasoo qaaddo nabadda sida adag lagu dhisayo ee Somalia.

Arrintan mar kale murjinaysa xiriirka labada dal waxaa ka mid ah arrinta Cabdi Janan oo ay naas nuujinayso Dowladda Kenya.

Haddaba, xildhibaanka laga soo doorto Bariga Mandheera ee Cumar Macallin ayaa Dowladda Dhexe ee Kenya waydiistey inay sharraxaad ka bixiso sababta ay halkaa ugu hayso ninka baxsadka ah ee Cabdirashiid Janan, sida uu yiri.

Macallin ayaa warqad rasmi ah oo uu u qoray Baarlamanka dhexe ee Kenya wuxuu Wasaaradda Gaashaandhigga ka dalbaday inay sheegto sababta uu Janan u joogo degaan doorashadiisa.

Janan oo la sheegay inuu halkaa tegey 30-kii Jannaayo ayaa waxaa hoteel Mandheera uga kireeyay ciidamada amaanka Kenya.

Wuxuu hoteelkaa ka baxay 10-kii Febraayo isagoo guri kale ka ijaartey gudaha Mandheera, halkaasoo ay ku ilaaliyaan maliishiyaad uu wato iyo kuwa KDF, sida ku qoran Eastafrican.

Wuxuu Macallin walaac ka muujiyey amaanka degaanka, maadaama ay Buula Xaawo joogaan Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo doonaya inay soo qabtaan Janan.

“Dadka Mandheera hadda go’doon ayay ku jireen, qaar baa xitaa guryohoodii ka cararay, iyagoo ka cabsanaya dagaal dhex mara labada ciidan,” ayuu yiri Macallin.

Janan oo ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho 28-kii Jannaayo, kaasoo uu ku xirnaa tan iyo 31-kii Agoosto 2019-kii, waxaa loo haystaa dembiyo dagaal iyo ku tumasho xuquuqda insaanka, sida xasuuq shacab oo ka dhacay Gedo.

Hadalsame Media