RASMI: Hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee ASWJ oo ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba siyaasadda ka fariistay

0

(Dhuusamareeb) 29 Feb 2020 – Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda ASWJ, Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu gebi ahaanba ka fariistay Siyaasadda maamulka Galmudug.

Wuxuu ka tacsiyeeyay dhamaan dhibanayaashii ay waxyeelladu ku gaartay dagaalkii koobnaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay in ASWJ uu sida uu yiri aanay ahayn ”kuwa bannaysta dhiigga Muslimka”, isla markaanu aanu ogolaan doonin inay dad kale ku dhintaan dagaallo ka dhaca magaalooyinka Galmudug ee ay ka talin jirtey ASWJ.

”Waxaannu ka tanaasulney go’aankeennii siyaasadeed ee hogaaminta Galmudug, inagu diyaar uma nihin in markale dhiig daato ama bulshadu iska hor timaado, waxaan u taanagan nahay doorkeennii diimeed iyo caqiiqadada ASWJ oo aan usii taagnaan doonno” ayuu ballan qaaday Hoggaamiyaha ASWJ.

Waxaa horay u hadlay Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, Sheekh Shaakir oo caddeeyay in sida uu yiri ay ”tanaasuleen” oo ay gaadiidkoodii iyo hubkoodiiba ku wareejiyeen Taliyaha guutada 15-aad Jeneraal Mascuud Maxamed oo horay uga mid ahaan jirey ciidamada ASWJ, balse iminka ka tirsan Qaybta 21-aad ee Xoogga Dalka.

Lama oga inuu Shaakir isna qaatay go’aan la mid ah midka Macallinka iyo in kale.

Hadalsame Media