RAJO: Cudurka Sonkorta oo dawo loo helay (Tijaabo la sameeyay oo lagu guulaystey)

0

(St. Louis) 29 Feb 2020 – Koox saynisyahanno ah ayaa ku guulaystey inay cudurka sonkorta ka daweeyaan jiir, iyagoo ku tallaalay unugyo soo saari kara maadamada insuliinta oo laga soo dhaaday unugyo uur ku jir ah.

Natiijadan rajada ah, ayaa waxaa sameeyay koox culumo ah oo ka socotey kulliyadda caafimaadka ee Washington University School of Medicine oo ku taalla St. Louis, waxayna tillaabo muhim ah u tahay sidii insaanka lagaga dawayn lahaa cudurka sonkorta.

Daraasaddan, waxay ku guulaysteen in ay unugyada uur ku jirta ah ee kuwa kale soo saara (pluripotent stem cells (hPSCs) ay ku tallaalaan ganaca si ay u dhaliyaan dhecaanka insuliinta – kaasoo deeto lagu xirey jiir la il daran“sonkoroow aad u ba’an” kaasoo ah mid xitaa qofku halis ku jiro.

“Markii unugyadaa lagu tallaalay, maadada glucose ee ku jirtey dhiigga jiirku waxay kusoo noqotay caadi muddo 2 todobaad ah, iyadoo sidaa iska ahayd muddo bilooyin ah,” ayuu yiri Jeffrey R. Millman oo ka mid ah cilmi baarayaasha.

Waloow ay tahay tillaabo rajo leh, misna muddo ayay qaadanaysaa in insaanka lagu tijaabiyo, balse waxay khubaradani sheegeen inay horta tijaabada sii wadayaan, iyagoo ku eegaya xayawaanno ka waawayn jiirka.

Hadafku waa in marka dambe dadka lagu tijaabiyo.

Hadalsame Media