Xusni Mubaarak oo geeriyoodey & seedigiis oo tilmaamo bixiyey

0

(Qaahira) 25 Feb 2020 – MW hore ee Masar, Xusni Mubaarak, ayaa mar dhow geeriyoodey isagoo 91-jir ah, isagoo yaalley isbitaalka ciidamada ee Galcaa, sida uu xaqiijiyey seedigii Jeneraal Mounir Thabet.

Thabet, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada, ayaa sheegay inay qoyska Mubaarak ay haatan ku sugan yihiin isbitaalka, isla markaana la qaban qaabinayo duug la qabto.

Mubaarak ayaa kursiga ku dangiigey ilaa 1981-kii, ilaa laga tuuro 2011-kii, isagoo noqday madaxwaynihii 2-aad ee eersada kacdoonkii Guga Carabta ee markii dambe fashilmay, marka laga reebo dalka Tuniisiya oo uu ka bilowday.

Hadalsame Media