Laba ARRIMOOD oo sabab u ah inuu Maraykanku dood ka oogo ciidamada Gedo la geeyay (Dhegeyso)

0

(Washington, DC) 25 Feb 2020 – Wakiilka Mareykanka Rodney Hunter ayaa si gaar ah u sheegay “in ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo ee Jubaland loogu daad-gureeyey duulaan ay siyaasad dhiiri-gelisay” ay tahay arrin aan ”la aqbali karin.”

Waxa uu ugu baaqay hay’adaha amniga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay diiradda saaraan la dagalaanka Al-Shabaab, “intii ay ku mashquuli lahaayeen dagaal hubeysan oo ayaga u dhaxeeya.”

Maraykanka oo nidaam ahaan ku khaldan ama aan wax sharciyad ah ku xoojin karin erayga ah in aan ”la aqbali karin” inuu dal xor ihi ciidamadiisa qayb ka mid ah u diro qayb dhulkiisa ka mid ah ayuu hadalkiisa bilaa xurmada ihi muujinayaa laba arrimood:

1 – Maraykanku wuxuu si aad ah ugu milmay siyaasadda gudaha Soomaaliya, isagoo wax kasta oo dhaca ama waqcad kasta oo soo kororta u sawira wax isaga uga baahan ”HAA & MAYA” ama ay tahay in isaga lagala tashado. Wuxuu soo dhoweeyaa ama diidaa doorashooyinka gobollada ka dhaca, taasoo ah gacan togaalaysi ku socda siyaasad u dhowran Dowladda dhexe maadaama ay tahay arrin maxalli ah.

2 – Ciidamada Gedo la geeyay ayaa ah ciidamo aanu shuqul ku lahayn Maraykanku, kuwaasoo lagu soo tababaray ama diyaarin dheeraad ah loogu soo sameeyay dalka Turkiga, isagoo taa u arka halis istaraatiji ah, maadaama ay Somalia heleeyso dal kale oo la dhisaya hay’ad qaran oo aad muhim ugu ah soo noqoshada qaran Soomaaliyeed, balse ay aad u xagal daaciyaan dalal badan oo Galbeedka ah iyo kuwa deriska, waana Ciidamada Xoogga Dalka (SNA) oo cunaqabatayn daneed lagu hayo.

Isku soo duuboo, waloow ay jirto mucaaradad maxalli ah oo aan aragti fog lahayn oo si toos ah loogu adeegsanayo burburinta danaha qaranka, misna waxaa DF Somalia waajib ku ah inay la timaado ku dhac, ka go’naan, rabitaan iyo geesinnimo ay ugu istaagto danaha qaran, isla markaana ay si caqli ku jiro u maarayso humbaallaynta ka badbadiska ah ee Maraykanka, iyadoo aan dabcan qar iska tuurayn oo u tillaabasanaysa si miisaaman oo caqli iyo xikmadi ku jirto.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media