RASMI: TA oo joojisey duullimaadyadii Shiinaha & Iiraan (Turkiga oo xadkii ka xiratey Iiraan)

0

(Istanbul) 25 Feb 2020 – Sharikadda Turkish Airlines (THY) ayaa maanta si rasmi ah u joojisey dhamaanba duullimaadyadii ay ku tegi jirtey dalka Iiraan tan iyo Maarso 10, dayuuradda ayaa sidoo kale joojisey duullimaadyadii tegayey Shiinaha ilaa 29-ka Febraayo.

Shirkadda ayaa joojinteeda u cuskatay istaraatijiyad lagu “xadidayo faafista cudurka Coronovirus’, iyadoo uu Turkigu uu todobaadkan sidoo kale si rasmi ah u xirey xadka uu la leeyahay dalka Iiraan, in yar uun kaddib markii uu dalkaasi ku dhawaaqay inuu cudurku ka dillaacay.

Dayuuradda rakhiista ah ee Pegasus ayaa iyaduna hakisay duullimaadyadii ay ku tegi jirtey caasimadda Tehraan ugu yaraan ilaa 11-ka Maarso.

Dalalka Afghanistan, Kuwait, Ciraaq iyo Cumaan ayaa iyaguna ku dhawaaqay inay qabteen kiisaskii ugu horreeyay ee dalkaa laga diiwaan geliyo, iyadoo ay WHO weli ka caga taallaynayso inay cudurkan COVID-19 – oo ay ilaa hadda u dhinteen 2,600, 80,000 oo kiisna la hayo – u aqoonsato halis caalami ah.

Hadalsame Media