Dadwaynaha Muqdisho oo argagax kala kulma arrin ka dhex socota Xerada XALANE!

0

(Muqdisho) 25 Feb 2020 – Laga soo billaabo 2011, rasaasta Muqdisho gudaheeda ka dhacdaa waa ay soo yaraaneysay.

Rasaasta ugu badan ee hadda la maqlaa waa dabrid ku dhowaad maalin kasta lagu sameeyo bar ku taalla Xeynaabka Airporka iyo Xalane.

Ciidan shish – barad ah iyo qaar toogan yaqaan laakiin baranaya sugudda shiiska ama ku hubsashada yoolka ayaa waxay ridaan rasaas aad u fara badan oo ka dhacaysa boobayaal fudud, qaar culus iyo mararka qaarkood qoryaha lidka dayaaradaha.

Waxaa rasaastaas shanqartooda arga-gaxa leh laga maqlaa xaafado badan oo magaalada ah. Inta xaafadood ee ay gaarto waxay ku xiran tahay hadba dhanka ay dabayshu u dhaceyso.

Rasaastaasi mar kasta oo ay dhaceyso waxay dadweynaha u sheegeysaa in aan nabadi jirin. Qaarkood xusuus hore oo xanuun leh ayay ku celineysaa.

Carruurta waxay ku korineysaa in ay la qabsadaan arga-gaxa rasaasta oo ay caadi u noqoto.

Kuwa magaalada ku cusub waxay ku beereysaa shaki ah in ay sax ahayd in ay halkaan yimaadaan.

Ajnebiga kiisa aan sida ay rasaastu u dhawaaqeyso ka fahmi karin, marka aad u sheegto in ay tababbar tahay wuxuu u qaadanayaa in aad niyadda u dejineyso laakiin uu socdo dagaal ku soo fidi kara meesha uu joogo.

Dadka waaweyn intooda og in ay rasaastu tahay dabrid, waxay ku khasban yihiin in ay la noolaadaan in shanqarta rasaastu ay tahay wax iska caadi ah, maaddaama ay Muqdisho joogaan. Iyada oo rasaastu dhaceyso ayay iska socdaan, qaarkoodna iskaba seexdaan.

Baahida loo qabo in ciidan la tababbaro waa la yaqaan. Laakiin caalamka oo dhan ciidan waa laba tababbaraa, hase yeeshee dabrid laguma sameeyo goob dusha ka bannaan oo magaalo gudaheed ah?

Maxay tahay waxa kallifi kara in caasimaddeenna dhexdooda laga sameeyo goob iyo laba maalin kasta ay rasaas xoog leh oo tiro badani ay ka dhaceyso?

Waxaan qabaa in la gaaray markii Ciidanka iyo cidda tababbareysaba loo asteyn lahaa goob magaalada ka baxsan.

Dagaalka ka hor, Muqdisho inta aan xusuusan ahay goobta ugu dhow ee dabrid lagu sameeyo waxay ahayd Gubadleey oo berigaa aad uga fogeyd magaalada.

Waan fahmi karaa in qaar u arko in magaalada bannaankeedu uu ka halis badnaan karo magaalada dhexdeeda, laakiin ciidan waxa ugu horreeya ee ay tahay in uu ku filnaado waa difaaciisa.

Saaxiibbo reer Cabdicasiis ah ayaa ii sheegay in aan dabridku Xalane kaliya ahayn. Waxay iigu sheegaan in sidoo kale ay ka jirto goob aan xeebta Liido ka fogeyn.

Waa gegidii dayaaradaha oo bixineysa sawirka ugu horreeya ee uu musaafurku ka qaato magaalada uu yimid iyo Xeebta Liido oo ah meesha xeebta keliya ee Dadweynaha Muqdisho ay u dabaal tagaan.

Qormadani waxay u dambeysaa shan aan usbuuc gudihiis ka qoray arrimo la xiriira amniga iyo daryeelka ciidanka.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

F. G: Cinwaanka iyo sawirrada waxaa ku daray Hadalsame.

Hadalsame Media