Soomaalida oo noqotay qabiilka 6-aad ee ugu tira badan dalka Kenya (Arag tirakoobka)

0

(Nairobi) 23 Feb 2020 – Soomaalida NFD oo haatan nidaam ahaan hoos tagta dalka Kenya ayaa noqotay qabiilka 6-aad ee ugu ballaaran dalkaasi, iyadoo noqotay 2.7 milyan oo qof, sida ku cad tirakoobkii ugu dambeeyay ee 2019-kii.

Sida ku cad warbixinta Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay in ay ku kordheen 400,000 oo qof min 2009 ilaa 2019-kii, taasoo ah muddo 10 sano ah, dad badanina ay la yaabeen.

Marka la eego degmooyinka ay Soomaalidu ku badan tahay waxaa ugu dad badan Mandheera oo ay ku dhaqan yihiin 867,457 waxaa soo raaca Gaarisa oo ah 841,353 halka ay Wajeer ku nool yihiin 781,263 oo qof.

Sidoo kale marka la eego celceliska saamiga gurigiiba ku nool, waxaa misna hoggaaminaysa Mandheera oo ah 6.9. Wajeer ayaa iyadu mareeysa 6.1 halka ay Gaarisa oo ugu hooseeysaa ay tahay 5.9 celcelisa ahaan.

Waxaa guud ahaan Kenya ugu badan qabiilka Kikuyu coo ah 8.15 milyan, waxaa ku xigta Luhya-da oo ah 6.82m, kaddib Kalenjin (6.36m), Luo (5.07m) iyo Kamba (4.66m).

Siyaasiyiinta Soomaalida ee gobolkaas ayaa ku doodaya inay dad badani ku kordheen tirada Soomaalida oo si hoos loogu dhigo saamaynta Soomaalida hoos loo dhigay lambarkooda, balse waxaa kaliya tirakoobkan ku cad inay muddo 10 sano ah ku korodhay 400,000 oo qof.

Hadalsame Media