Dalka qura ee Yurub ku yaalla ee diiddan in MASJID laga dhiso (Sharci cusub)

0

(Bratislava) 23 Feb 2020 – Tan iyo 2016-kii, Baarlamanka Slovakia ayaa diidey inuu diinta Islaamka ku daro diimaha uu dalkaasi aqoonsan yahay.

Slovakia ayaa dabbaqday tillaabooyin ka dhan ah ama in Islaamku halkaa ku yeesho shacaa’ir muuqata, taasoo ka dhigtay dalka Yurub oo idil ugu sharciga adag marka la eego Islaamka.

Sharcian oo uu Baarlamanka geeyay xisbiga Slovak National Party (SNS) ayaa dhamaanba taabiciinta diin kasta uga baahan inay helaan 50,000 oo qof, si ay u furtaan goobo cibaado, iskuullo ama xaq u yeeshaan kabka dowladda.

Sharciga ayaa awal u dhigayey 20,000 oo qofood oo qura.

Sida ku cad tirakoobka, Islaamka oo ah halka sharcigan lagu abbaarayo ayaa waxaa dalkaa Slovakia uga nool wax aan ka badnayn 5,000 oo qofood.

“Waan ka xumahay, Islaamku boos kuma laha Slovakia. Waa waajibka siyaasi kasta in arrintan looga hadlo si furan oo cad. Ma rabo inaan halkan ku arko kumannaan Muslimiin ah.” ayuu yiri RW Robert Fico oo hadlayey xilligii sharcigan la dhaqan geliyey.

Slovakia ayaa markii laga codsaday inay qaabisho qaxootigii kasoo qufmayey Suuriya waxay sheegtay inay qaabilayso 800 oo qof, balse aanay ku tashan wax masaajid ah.

“Islaamaynu waxay ku bilaabataa Kabaab waana laga helaa Bratislava. Aan ka fikirno waxa dhici doona muddo 10 sano ah kaddib,” ayuu yiri Guddoonka SNS  Andrej Danko.

“Waa inaannu wax kasta u samaynaa si aannu u hubinno inaan mustaqbalka masjid laga dhisin Slovakia,” ayuu Danko daba dhigay.

Hadalsame Media