XIDDIGIHII DHULKA: Ka faa’iidayso xikmadda xareedaysan ee filimka Taare Zameen Par

0

(Hadalsame) 23 Feb 2020 – Ishaan Awasthi waa wiil 8 jir ah oo aad u necbaa iskuulka, maaddaama uu maadooyinka oo dhan ku adkaadeen oo si joogto ahna u caayaan ama u aflagaadeeyaan macallimiintiisa iyo saaxiibadiisa kale. Fikradiisa, hal-abuurnimada leh iyo kartidiisa farshaxanka ah badanaa waa la iska indhatiray.

Aabihiis Nandkishore Awasthi waxa uu rajaynayaa in carruurtiisa ay heer sare ka gaaraan dhanka wax barashada hooyadiis Maya Awasthi waa qofka keliya ee mar walba ku dadaasha waxbarashadiisa.

Ishaan walaalkiis ka weyn, Yohaan Awasthi waa arday ku dayasho mudan iyo ciyaartooy kaas oo aabihiis aad u jecelyahay waxaana meesha ka baxday in ishaan inta badan la xusuusto.

Intaas Kadib markii ay soo baxday natiijada imtixaanka ee ishaan taas oo ah mid liidata, ayaa Ishaan aabihii wuxuu u diray iskuul hoose oo xerayn ah ( boarding school) kadibna halkaas ayuu ku galay xaalad cabsi ah, keli keli iyo niyad jab, inkasto uu saaxiib la ahaa Rajan Damodharan, oo ah wiil naafo ah ah kaasoo ka mid ah ardayda ugu sareysa fasalka. Mararka qaar waxa uu samayn jiray nolol ismiidaamis isagoo fuulaya xayndaabka sagxadda ee iskuulka taas oo Rajan marar badan ka qabtay.

Xaaladda Ishaan way isbedeshay markii macallin farshaxanka dhiga oo cusub uu yimaaday iskuulka kaas oo magaciisa yahay Ram Shankar Nikumbh, waxaana uu ahaa macalin siiya ardayda farxad iyo karti dheeri ah iyo niyadsami ardayda dugsiga kuwaas oo xaalada kala duwan oo naafanimo qaba. Qaabka uu wax u baro macalin shankar Nikumbh aad ayuu uga duwan yahay macalinkii ka horeeyey isaga waxa uuna si dhakhso leh u arkay Isxilqaan la’aanta iyo wada shaqayn xumada ka jirtay fasalka.

Waxa uu dib u eegis ku sameeyay waxbarashada Ishaan wuxuuna ogaaday in ay haysato cilad ku dhacda dadka qaar taas oo qofku awoodi waayo wax akhriska iyo qoraalkaba sidoo kale waxa uu qofku dhuminayaa fur-furnaanta waanna xaaladda loo yaqaan Dyslexia. Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu u safray Mumbai si uu u booqdo waalidiinta Ishaan halkaas oo uu kasoo ogaaday xiisaha qarsoon ee Ishaan ka dib markii uu helay qaar ka mid ah sawirradiisa.

Nikumbh wuxuu dib ugu soo laabtay iskuulka kadibna wuxuu mowduuc casharka ah uga dhigay Dyslexia ‘disleksiya’ oo ahayd dadka ay ku adagtahay akhriska qoraalka iyo fahankaba isaga oo haystay liiska dadka caanka ah ee ciladaan horay uga soo kabsaday. Markaas kadib wuu u laab qaboojiyay Ishaan isaga oo u sheegaya sida uu ugu dhibtooday caruurnimadiisa isba markuu yaraa ,sidoo kale isaga oo la kulmay dhibaatooyin Nikumbh ayaa marka uu soo booqdo maamulaha iskuulka si uu u helo ogolaansho shaqo u noqdo macalin, Ishaan si tartiib tartiib ah ayuu u sameynayay horumar dhanka akhrinta iyo qorista ah.

Isagoo macalinku ka caawinayay farsamooyinka iyo sixitaanka ee ay soo saareen khabiirada dysleksi kuwaas oo loo adeegsado dadka xaaladaan ku dhibaataysan Ishaan sida ugu dhakhsaha badan wuxuu horumar fiican ka sameeyay waxbarashadiisa ugu dambeyna buundooyinkiisa ayaa noqday kuwa wanaagsan.Dhamaadka sanad dugsiyeedka, Nikumbh waxa uu qabanqaabiyay maalinta farshaxanka ee ardayda.Tartankaan waxaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay ishaan, Maamulaha ayaa ku dhawaaqay in Nikumbh loo shaqaaleysiiyay macalinka farshaxanka joogtada ah ee iskuulka.

Filimkaani waxa uu muujinaya in macalinku uu yahay xalka ugu wanaagsan ee ardayga, isaga ayaana dareemi kara dhibaato walba oo haysta dhanka waxbarashada iyo fahan la’aantaba, waxaanna wanaagsan mar walba waalidku in uu ku dadaalo waxa saxda ah ee ilmahoodu doonaayo xooga saaraana waxa uu ku fiicanyahay, qof walba waxa uu leeyahay awood balse mararka qaar haddii aynaan helin qof dhaqaajiya awoodaas xaqiiqo waa mid dusheena ku dal dhamaanaysa

Filim sameeye waxaa ka ahaa filimkaan Amirkhan, waxaana si wadajir ah filimkaan u wada jilay darshaal safery iyo iyo amirkhan, Sidoo kale Filimkaan waxaa loo aqoonsaday 2007 filimkii ugu wanaagsan waxa uuna mutaystay abaal marinta film fare award iyo filimsameeyaha ugu wanaaagsan shirkada filimaanta bollowood ay bixiso sidoo kale iyda oo’wiilka ugu wnaaagsan ee markaas loo magacaabay dirshaal safery.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Dr-Samiir Cabdi-casiis

Hadalsame Media