Somalia & Turkiga oo iska kaashanaya dhanka sahminta shidaalka & qodaalka macaadinta (Arag heshiiska)

0

(Hadalsame) 23 Feb 2020 – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay ku dhaqaaqayso sidii ay u sahmin lahayd shidaalka Somalia, iyadoo qorshaynaysa inay samayso hab-howleed ay shaqadaa ku qaban karaan sharikaadka gaarka ah iyo kuwa ay dowladdu leedahay intaba.

Turkiga iyo Somalia ayaa kala saxiixday heshiis is faham ah (MoU) kaasoo ku saabsan iskaashi dhanka tamarta iyo qodaalka oo la saxiixay 2016-kii, kaasoo uu ansixiyey Guddi Hoosaadka Baarlamanka ee Arrimaha Dibedda iyo Baarlamanka Turkiga, kaddib markii hordhigay MW Recep Tayyip Erdoğan inay DF Somalia ay ku casuuntey inuu sahmiyo shidaalka dalkan Geesk Afrika dhaca.

Sida ku cad heshiiskan oo ay nuqul ka mid ah heshay Nordic Monitor, waxay Turkey-Somalia iska kaashanayaan dhanka tamarta, waxaana isfahamka lagu heshiiyay ka mid ah mashaariic sahmineed, soo saaris, sifayn, soo saarista gaaska dabiiciga ah, kaydinta, daabulidda, dhoofinta, suuq gaynta, injineeridda kaydka, dayactirka, dhisidda kaabayaasha waaxda tamarta Somalia iyo is dhaafsiga tiknolojiyadda la xiriirta haydrocarbons-ka.

MW Erdoğan ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay inay Somalia ku casuuntey inuu Turkigu sahmiyo shidaalka dalka, gaar ahaan dhanka badda.

Heshiiskan is fahamka ah ayaa la saxiixay bishii Juun 3, 2016-dii, waxaana Muqdisho ku kala saxiiday Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlüt Çavuşoğlu iyo dhiggiisa Somalia ee xilligaas, Cabdusalaam X. Cumar intii lagu jirey booqasho rasmi ah oo uu Erdoğan ku tegey caasimadda Somalia.

Hadalsame Media