Rajo laga muujiyey wada xaajood uu MW Qoor Qoor la bilaabay Shaakir & Xaaf

0

(Dhuusamareeb) 22 Feb 2020 – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Qoor Qoor, ayaa la sheegay inuu wado dadaallo uu wada-xaajod kula yeelanayo laba nin oo iyaguna sheegta inay yihiin madaxweynayaal kuwaasoo kala ah Shaakir iyo Xaaf.

Waxaa magaalada Dhuusamareeb iminka ka soconaya dadaallo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan si loo xalliyo xaaladda ka dhalatay khilaafka yar ee jira horayna loogu socdo.

Wasiirka Tamarta Galmudug, Axmed Shire Falagle, oo waraysi siiyey Idaacadda Simba ayaa tilmaamay inay howlahan ku fooggan yihiin, isagoo sidoo kale sheegay inay durba guda galeen qabashada howlo badan oo maamulkaa hor yaalla.

Dadaallada ka soconaya magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad iskugu howlaya odaayaasha dhaqanka iyo hoggaanka ururada bulshada rayidka ah ee degaannada Galmudug.

Nimankan kala sheegta madaxwaynaha Galmudug ayaa la doonayaa in lagu qanciyo inay aqbalaan xeer-jajab si loo dhiso Golaha Wasiirrada heer gobol ee maamulkaasi, iyadoo sidoo kale ay wararku sheegayaan in marka khilaafkan la dhameeyo, laga yaabo inay ogolaadaan kasoo qaybgalka caleemo saarka Madaxwayne Qoor Qoor.

Hadalsame Media