EELKA INGIRIIS KA ORDAY: Dalalka Denmark, Sweden, Holland & Austria oo diidey inay buuxiyaan miisaaniyaddii uu Ingiriisku bixin jirey + Sawirro

0

(Brussels) 22 Feb 2020 Madaxda Midowga Yurub ayaa wajahaysa xasarad dhanka miisaaniyadda ah tan iyo Brexit kaddib markii ay afar dal oo hodon ihi diideen inay buuxiyaan booskii uu ka baxay dalka Britain.

Madaxda 27 dal ayaa bareejo ku kala baxay muran muddo socdey saacadihii hore ee shalay oo ay ku kulmeen Brussels, iyadoo la isku hayo daboolidda ku dhowaad hal tarilyan oo euro, wax maanta halkaa kasii socon doona.

Bixitaanka UK ayaa bannaysay €75bilyan oo euro (£63bilyan gini) taasoo muujisay khilaafka dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Germany ayaa doonaysa in miisaaniyad badan loo duwo dhanka cimilada halka ay Faransiisku doonayaan in miisaaniyad loo qoondeeyo gaashaandhig wadareed oo ay Yurub yeelato, balse dhibku wuxuu ka taagan yahay dalalka saboolka ah ee bariga oo kaliya usoo xaadiraya in lacago badan laga siiyo khasnadda EU.

Yeelkeede, dalalka afarta ah ee lagu naynaaso ‘frugal four’ ee Austria, Netherlands, Denmark iyo Sweden ayaa iska diidey inay kordhiyaan miisaaniyaddii ay bixin jireen si loo buuxiyo booska ay ka baxday Britain.

Dalalka hodonka ah ee ku jira Midowga Yurub ayaa haatan sanad kasta EU siiya 1% ka mid ah dakhligooda heer qaran, waxaa se laga doonayaa inay gaarsiiyaan 1.08%.

Guddoonka MY, Ursula von der Leyen (midig) oo la shirsan seddax ka mid ah madaxda ‘Frugal Four’: RW Austria ee Sebastian Kurz, Holland, Mark Rutte iyo Sweden, Stefan Lofven

Hadalsame Media