WARBIXIN: AC Milan oo raacaysa jidkii Liverpool, khilaaf laga sheegayo oo ay ka hadashay & cidda ka dambaysa oo la magacaabay!

0

(Milano) 22 Feb 2020 – Milkiilayaasha Milan ee Elliott iyo Maareeyaha Guud ee Ivan Gazidis ayaa sheegay inay qorshe cad u hayaan sidii kooxda Rossoneri dib loogu soo celin lahaa figta sare ee kubadda cagta.

Maareeyaha Milan oo waraysi dheer siiyey Gazzetta dello Sport, ayaa ka sheekeeyay aayaha kooxda jidka Aldo Rossi:

“Milan waa koox taariikh iyo mustaqbalba leh cidna iska dhigdhigi mayno. Yeelkeede, Liverpool 9 sano ayay ku jirtey xaalad la mid ah middeenna, oo kharashku ku xumaa, deetana waddo ay uga baxayso ayay raacday waana ku guulaysatey.” ayuu yiri Gazidis.

”Markii uu Klopp yimid wuxuu sheegay inuu dadka shakisan yaqiin gaarsiinayo; qofna taa kama akhrisan bilowgii, xitaa taageerayaasha, balse tillaabooyin yar kaddib, maanta waad aragtaan waxa ay tahay Liverpool. Dhaqse waxaad u arkaysaan waxa ay Milan noqon doonto” ayuu ku faanay.

Gazidis ayaa sidoo kale wax ka ma jiraan kasoo qaaday wararka sheegaya inay sida wax loo wadayo isku hayaan Maldini iyo Boban, isagoo amaanay macallin Stefano Pioli oo uu sheegay inuu fursad wayn haysto, balse go’aan kasta la gaari doono dhamaadka fasalkan.

”Milan qofna boqor kama aha, iyada ayaa boqor ah, annaguna iyada ayaan u wada shaqaynaa,” ayuu ku af gobaadsaday.

Yeelkeede, war lagu qoray Corriere dello Sport, ayaa sheegaya in ninka gacanta midig u ah Gazidis ee Hendrik Almstad, uu yahay ninka u sababta ah khilaafka laga soo sheegayo maamulka Milan.

Ninkan Jarmanka ah ayaa suuq-jiilaalkii dhowaa diidmada qayaxan u adeegsadey dhowr isku day oo ay sameeyeen halyeeyadii hore ee Milan ee Maldini iyo Boban, isagoo ku doodaya sababo farsamo iyo kuwo maaliyadeed, balse loo fahmey inay tahay isbedel ku dhacay falsafadda maamul ee kooxda loo dhaqaajinayo.

Wararka sheegaya in Ralf Rangnick uu noqonayo macallinka iyo xitaa maareeyaha ciyaareed, oo uu hadda beeniyey Gazidis, ayaa la sheegay inay tahay aragti kasoo fuftay dhanka ninkaa Jarmanka ah, iyadoo ay wararku sheegayaan inuu Gazidis rabo in Milan la marsiiyo jidka Atalanta oo kale.

Hadalsame Media