SAWIRRO: Coronovirus oo Talyaaniga ka dillaacay, 29 kiis (Qofkii ugu horreeyey oo Yurub u dhashay oo u dhintay)

0

(Milano) 22 Feb 2020 – Talyaaniga ayaa waxaa soo galay cudurka ba’an ee coronavirus ee caalamka ku baahaya, waxaana laga soo sheegayaa laba dhimasho.

Nin oday ah oo Talyaani ah ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee u dhinta cudurka Covid-19 Jimcihii.

Wuxuu ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Padua, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka Roberto Speranza, isagoo intaa raaciyey in 78-jirkani uu isbitaal 10 maalmood u yaalley jirrooyin kale.

Qofka 2-aad waa haweenay ku nool gobolka woqooyi ee Lombardia, taasoo iyadna u dhimatay cudurka coronavirus, sida ay werisey Wakaaladda ANSA.

Intaa kuma harine waxaa haatan gacanta lagu hayaa ilaa 29 kiis oo cudurka lala xiriirinayo Talyaaniga oo dhan.

Waxaa xitaa la joojiyey ciyaaro heer hoose ah oo aan xirfadleey ahayn oo ka dhici lahaa gobolka Lombardia, magaalada Piacenza iyo meelo kale.

Todobaadkii tegey, waxaa Faransiiska ka dhacday geeridii ugu horreeysey ee uu qof cudurkan ugu boxo gudaha Yurub — waxaa dhintay dalxiise Chinese tourist oo Paris booqanayey.

Hadalsame Media

Facebook Comments