SAWIRRO: DF Somalia oo bilowday dhismaha kaabayaasha Galmudug (Gaadiid lagu wareejiyey)

0

(Muqdisho) 20 Feb 2020 – DF Somalia ayaa Maamulka Galmudug maanta guddoonsiisey gawaari aad u badan oo loogu talo galay fududaynta adeegga bulshada.

Gawaaridan oo gaar ahaan loo adeegsan doono dhanka waxbarashada degaannada Galmudug ayaa waxaa DF Somalia oo uu metelayay Goodax Barre kala soo wareegey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Galmudug Md Cali Falko.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa jeer ay Galnudug ku qabsoontay doorasho ay soo dhowaysey DF Somalia iyo Beesha Caalamku.

Arrintan ayaana loo fasiray in ay DF Somalia iminka sii daysey mashaariicdii loo qoondeeyay Galmudug.

Waxaa weli jira dad diiddan maamulka cusub iyo sidoo kale degaanno ka tirsan dhulka uu maamulkani sheegto oo aan gacan ku jirin.

Hadalsame Media