Aadan Ducaale oo loo haysto inuu raashin DHACAY u qaybiyey carruur agoon ah!

0

(Nairobi) 20 Feb 2020 – Hoggaanka Aqlabiyadda Baarlamanka, Aadan Ducaale ayaa markale shaashadaha kusoo galay inuu Degmada Gaarisa ka qaybiyey raashin dhacay.

Ninkan oo laga soo doorto isla Gaarisa ayaa waxaa shalay u yeertey Waaxda Dembi-baarista Kenya ee DCI, si uu u sharroxo arrintan oo uu ku tilmaamay ”been abuur.”

The Nation ayaa ogaadey in Md Ducaale la waydiistey inuu hor yimaado Dembi-baaraha Guud ee Booliiska, Benedict Oyaro, si uu uga jawaabo ashtako ka timid reer Gaarisa oo ku saabsan cunto dhacday.

Warqad uu helay the Nation, ayay DCI ku sheegtay inay bilowday baaritaanno ku saabsan eedahan loo jeedinayo Md Ducaale.

Ducaale oo shalay looga yeerey Xarunta DCI ee Nairobi ayay ilo lagu kalsoonaan karo oo Nation si qarsoodi ah ula hadlay sheegeen inuu booqday Isniintii Najah Children’s Home oo ku yaalla Bulla Iftin, halkaasoo ah kaam lagu hayo carruurta agoonta ah oo Gaarisa ku yaalla, kaddib waxaa la sheegay inuu geeyay cunto markii dambe kiishashka laga helay walxo madmadoow, markii lasii baarayna waxaa soo baxday inay dhacsan yihiin.

Hadalsame Media