DAAWO: Halis Somaliland uga soo wajahan dhanka Imaaraadka & Itoobiya oo la iftiimiyey!

0

(Hargaysa) 21 Feb 2020 – Siyaasiga Prof Cali Khaliif Gallayr ayaa Maamulka Somaliland u soo jeediyey inay la xaajoodaan DF Somalia oo uu sheegay inay ”khasab tahay” in lala hadlo.

Gallayr ayaa guud ahaan Soomaalida u iftiimiyey halis ay ka il duufsan yihiin, balse aan sina ku seegi doonin haddii aan lagu fikirin maskax bisil.

”Waxay u egtahay in Imaaraadka iyo Itoobiya ay doonayaan inay Geeska Afrika ku dhiqi doonaan istaraatijiyad iyaga u gaar ah.” ayuu yiri.

Gallayr ayaa sheegay in qorshaha ay dalalkani wadaan oo noqon kara kuwo halis ku ah Somaliland iyo Soomaalida guud ahaanba aan laga gilgilan karin haddii aan la tashan.

”Taad ku jabi lahaydeen ayaa jarteedii la idiin dhigay. Haddii Imaaraadka iyo Itoobiya ay Dowladda Dhexe gacan siiyaan, waa arrin aad u wiiqaysa nolosheenna, waayo labaduba waxay doonayaan inay ka wada faa’iidaystaan khayraadka iyo istaraatijiyadda dhulka. Hadda saamiga dekedda Berbera iyagaa nooga badan.” ayuu tusmeeyay Gallayr oo sidoo kale sheegay inaan dhulka la qaadin heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo.

Hadalsame Media