Kenya oo mamnuucday Boodhooyinka ka shaqeeya xadka Somalia & Kenya (Arrin la yaab leh oo lagu eedeeyay)

0

(Marsabit) 20 Feb 2020 – Dowladda Kenya ayaa mamnuucday mootooyinka boodha boodhada ee ka shaqayn jirey xuduudaha Somalia-Kenya iyo Itoobiya.

Wareegtadan kasoo baxday Dowladda Kenya ayaa saamaynaysa xuduudaha iyo meelaha u dhow sida Marsabit, Garissa, Wajeer, Mandheera, Lamu, Tana River iyo Turkana kuwaasoo aan loo ogolaan doonin inay Boodhada ku shaqeeyaan wixii loo gaaro 6-da maqribnimo.

Kenya ayaa sheegtay inay tillaabadan u qaadayso si ay ula dagaallanto argagixisada iyo dhoofinta daroogada oo amaanka wax u dhimaya.

Kaddib kulan laba maalmood qaatay oo amaanka lagu eegayey oo ka dhacay gobollada Bari iyo kuwa Woqooyi bari, isla markaana lagu qabtay Marsabit, ayuu Taliyaha Booliiska qaybta Bari, Isaiah Nakoru, ku sheegay in daroogada lagu maalgeliyo howlaha argagixisada, sida uu yiri.

Mr Nakoru oo uu wehlinayey dhiggiisa qaybta Woqooyi Bari, Nic Ndalana, ayaa sheegay in dadka ku shaqeeya Boodhadu ay qaadaan daroogada, gaar ahaan xashiishka oo uu sheegay in lagu maalgeliyo argagixisada.

Hadalsame Media