Nin xalay weerar ku qaaday 2 baar oo Shiishadda lagu cabo oo maydkiisa lasoo helay, dhimasho badan

0

(Hanau) 20 Feb 2020 – Ugu yaraan 9 qofood ayaa ku dhintay toogasho lagu bartilmaameedsaday baarar shiishadda lagu cabo oo ku yaalla Jarmanka.

Booliiska ayaa markiiba bilaabay inay baadi goobaan ninkii weerarkan ka dambeeyay, kaasoo markii dambe saaka isagoo mayd ah laga helay gurigiisa.

Weerarka ayaa lala eegtay labadan baar oo ku yaalla magaalada Hanau, halkaasoo la sheegay inay dadka macmiishu ay u badan tahay Kurdish, waana magaalo 20 km u jirta Frankfurt.

Dembi baarayaasha hay’aadka amaanka Jarmanka ayaa sheegay inay arrintan haatan baaritaan ku wadaan.

“Dacwad oogayaasha Federaalka ayaa arrintan la wareegey maadaama ay aad muhim u tahay,” ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska dhexe oo ay soo xigatey AFP.

Qaar ka mid ah dadka goobta lagu laayey ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, sida uu sheegay Madaxwaynaha Jaalliyadda Turkiga Ibrahim Kalin.

Ninkan ayaa loo badinayaa inuu yahay cunsuri xag-jir ah oo raacsan kooxaha Naasiga.

Hadalsame Media