In dib u eegis lagu sameeyo qaabka loo wajahayo Al Shabaab oo la iftiimiyey!

0

(Hadalsame) 20 Feb 2020 – Weriye Yuusuf Garaad Cumar ayaa tilmaamay in istaraatiijiyadda dagaal ee kooxda Al-Shabaab aanu sidiisaba aheyn mid ay ku hollinayaan inay ka guuleystaan DF Somalia iyo AMISOM, taasoo uu sheegay inaysanba awoodin.

Wasiirkii hore ee Dibedda ayaa farriin kooban oo uu soo dhigay biggiisa Facebook ku sheegay in sidoo kale ay DF, AMISOM iyo Mareykanku ay duqaymo wax badan uga bedeli kari la’yihiin wadciga Al-Shabaab.

Yuusuf Garaad ayaa soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda lagu wajahayo kooxdan tan iyo 2006-dii oo haata 14 sano laga joogo.

Hoos ka eeg qoraalkan uu Yuusuf Garaad soo dhigay bartisa Facebook:

”Istaraatiijayada dagaal ee Shabaab yoolkeedu ma aha in uu Dowladda iyo AMISOM Ka guuleysto. Waayo taa ma karo.

”Yoolka Istaraatiijiyada Shabaab waxaa laga akhrin karaa in ay tahay in Dowladda, AMISOM iyo duqeynta Mareykanku ay Shabaab ka suulin kari waayaan Soomaaliya. Yoolkaas wuu gaaray Shabaab sannadka dhammaaday ee 2019.

”Waa yool uu ku guuleystay in uu gaaro sanad kasta tan iyo 2006 markii uu dagaal fool-ka-fool ah billaabay, Dhaanka qaada dhabbe aan ceel tageyn, la iskuma halleeyo in biyo uu keenay lagu oon gooyo.

”Haddii aan mucjiso la isku halleyneyn, siyaasadda 14 sano oo xiriir ah shaqeyn weyday oo sideedii ah, iyada oo inta kale ay eg yihiin, lagama fili karo in ay sannadkaan guuleysato.

”Dib-u-eegis iyo wax-ka-beddel ayay u baahan tahay siyaasadda ku wajahan Shabaab.” ayuu yiri Y. Garaad.

Hadalsame Media