Kenya oo ka walaacsan sharci cusub oo DF Somalia awood u siinaya in ay….

0

(Nairobi) 19 Feb 2020 – MW Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saxiixay xeerka cusub ee shidaalka, kaasoo dowladda dhexe siinaya awood buuxda oo ay ku sahmin karto kuna iibin karto shidaalka Somalia.

Sharciga cusub ee shidaalka (Petroleum Act) ayaa u gogol xaaraya in la sameeyo Hay’ad shidaal oo ay leedahay DF Somalia, taasoo saxiixi karta heshiisyo sahmineed iyo kuwo baaritaan oo caalamka lala galo, si loosoo saaro shidaalka ceegaa ilaa 200 oo baloog oo ilaa iminka la baaray.

Sida lagu qoray The EastAfrican Kenya ayaa durba walaac ka muujisay sharcigan cusub oo ay dareensan tahay inay Muqdisho ku iibin karto dhul ka mid ah ”kan lagu muransan yahay”, sida ay qabto.

Sababtu waxay tahay in xeerkan cusubi uu waxba kama jiraan kasoo qaadayo heshiis kasta oo la saxiixay intii u dhaxaysey 1991-kii ilaa 2012-kii.

Wuxuu kale oo dhigayaa in heshiis kasta oo la galay intii ay jirtey xukuumaddii caskariga ahayd ee Siyaad Barre uu sidiisii ahaanayo, waloow la cusboonaysiin karo.

Somalia ayaa ilaa iminka hubta inay leedahay ilaa 200 baloog saliideed, oo ay ku jiraan in ka badan bilyan oo fuusto oo saliid ah.

Yeelkeede, 15 ka mid ah ayaa ilaa iminka u diyaar ah in la baaro, waxaana jirta 4 ka mid ah oo ku dhex jira aag badeedka ay Kenya sheeganayso, kuwaasoo hor yaalla Maxkamadda ICJ oo go’aanka rideysa bisha Luulyo ee sanadkan.

Hadalsame Media