Booliiska Somaliland oo qaaday tillaabo aad loo amaanay (Daawo)

0

(Hargaysa) 17 Feb 2020 – Booliiska Somaliland ayaa tillaabo aad loosoo dhoweeyay ka qaaday sarkaal Booliis ah oo ku kacay ku takri fal awoodeed.

Waxaa la arkayaa muuqaalka askarigan oo si aad u xooggan dhakaaryo dhowr mar ugu fujinaya gabar dhallinyaro ah oo ay wada hadlayeen.

War la sheegay inuu kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Somaliland, Md Maxamed Aadan Saqadhii, oo lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Booliiska Somaliland ay ku leeyihiin Facebook ayaa u qornaa sidatan:

”Saacaddo ka hor waxa baraha bulshada la soo galiyay Saddex Alifle, Mahad Cabdi Cismaan, oo gacan u qaaday ruux dumara.

”Shacabka Somaliland waxan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in Boolisku yahay saaxiibka dadwaynaha in la rukhseeyay askarigaa xadgudubka sameeyay, isagoo xidhan sharaftii Ciidanka Booliska Somaliland. Boolisku waa saaxiibka dadwaynaha.” ayuu daba dhigay.

Arrintan oo ahayd jawaab deg deg ah ayay dadku aad ugu diirsadeen, iyadoo ay jiraan ciidan badan oo aan lahayn anshaxii Booliiska oo ay howshiisa koowaadi tahay inuu dadwaynaha u shaqeeyo.

Hadalsame Media