RASMI: Dayuuradaha Israel oo markii ugu horreeysey taariikhda bilaabay inay dul maraan dalka Suudaan, waayo?

0

(Khartuum) 17 Feb 2020 – Dayuuradaha Israel ayaa durba bilaabay inay adeegsadaan hawada Suudaan, sida uu sheegay RW Yuhuudda ee Benjamin Netanyahu, kaddib kulan qarsoodi ahaa oo uu la yeeshay hoggaamiyaha dalkaasi oo uu ku arkay Uganda.

Khartuum ayaa 5-tii bushan Feb. sheegtay inay dayuuradaha Israel siisay rukhsad hordhac ah oo ay ku dul mari karaan gayigooda, laba maalmood uun kaddib kulankaasi  uu Abdel Fattah al-Burhan, kula kulmay Netanyahu.

“Hadda waxaannu ka wada xaajoonaynaa in aannu si deg deg u caadiyayno xiriirkeenna. Dayuuraddii ugu horreeysey ee Israeli ah waxay hawada Suudaan martay Sabtigii,” ayuu yiri Netanyahu oo shalay la hadlayey horseedka Yuhuudda, isagoo sheegay inay hadda kaddib 3 saacadood u badbaadayso dayuuradaha Israel ee u duulaya Laatiin Ameerika.

Suudaan ayaa taariikhiyan ka mid ahayd dalalka aadka uga horjeedey Israel, iyadoo kaddib Dagaalkii Lixda Maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda ee 1967-kii, shirkii Jaamacadda Carabta ee Khartuum uga dhawaaqday 3 qodob oo asaasi u ahaa siyaasadeeda Israel.

Waxay seddexdaasi kala ahaayeen: inaysan heshiis nabadeed la gelaynin, inaysan aqoonsanaynin iyo inaysan la xaajoonaynin Israel.

Hadalsame Media