Maraykanka oo siyaasad la yaab leh u adeegsada dalal ay Somalia ka mid tahay & Ruushka oo ka qayliyey!

0

(Hadalsame) 17 Feb 2020 – Maraykanka ayaa kaddib dhamaadkii Dagaalkii Qaboobaa wuxuu Yurubta Galbeed oo inta badan ku midaysan Gaashaanbuurta NATO ka dhaadhicinayey inay dhanka bari isu ballaariso, waana midda keentay in dalal badan oo ka mid ah balooggii Waarso ay maanta ka mid yihiin EU iyo NATO.

Ruushka oo arrintaa ku baraarugsan ayaa Yurub u sheegay inay ka waynaadaan inuu Maraykanku iyaga ku cabsiiyo halista Ruushka oo uu sheegay inay marka dambe keeni karto cawaaqib xumo aan lasii saadaalin karin.

”Yurub waxay xasaradi ka haysataa dhanka kalsoonida, waayo waxaa horteenna dib loogu dhisayaa xafiiltankii Dagaalkii Qaboobaa. Iska daaya rooxaanta aad ka cabsanaysaan ee Ruushka oo ka fikira wixii na midayn kara,” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Ruushanka, Sergey Lavrov, oo ka khudbaynayey shir amaanka Yurub looga hadlayey oo lagu qabtay Munich.

Dalal badan oo Galbeedka Yurub ah ayay qaarna la dhawaaqeen qaarna weli la dhuumanayaan isla aragtida Lavrov oo kale.

Yeelkeede, Maraykanka oo kaddib dhamaadkii Dagaalkii 2-aad ee Adduunka dunida u xirxirey dhowr gobol oo uu midba ka sameeyay hal dal oo uu ku cabsiiyo dhowr dal oo uu sheegto inuu xulufo la yahay si uu hub fara badan uga iibiyo ayaan marna arrintan ogolayn.

Is waydii sababta uu Maraykanku Ruushka ugu sawiro cadow istaraatiji ah, haddii aad ogtahay inaysan abid dagaallamin, labadii dagaal adduunna ay isla jireen oo isku saf ahaayeen? Akhri sadarrada dhexdooda!

YAA KA MID AH DALALKA WAX LAGU CABSIIYO (BOGEY MAN)?

Maraykanka oo ka faa’iidaysanaya siyaasad-dhuleedka caalamka (geo-politics), ayaa wuxuu Bariga Fog ka sameeyay dalka Woqooyiga Kuuriya, si uu ugu cabsiiyo South Korea, Japan, Philipines iwm. Taiwan wuxuu iyadana ku maalaa cabsida Shiinaha.

Carebean-ka wuxuu ka sameeyay dalka Cuba, si uu saamayn ugu yeesho dhowr dal oo gobolkaa iyo Latin America ku yaalla.

Kali talisyada xukunka jecel ee Khaliijka wuxuu si joogto ah ugu adeegsadaa dalka Iiraan oo ilaa maanta u shaqaysa, muddo sanado ahna Ciraaq.

Dhanka Bariga Afrika wuxuu adeegsanayey dalal ay Somalia ka mid tahay oo uu u sawirayey in la’aantii ay laqayso dalalka deriska ah xilliyadii ay jirtey Dowladdii millaterigu, hadda iyo xilliyadii burburkana wuxuu adeegsadaa kooxaha xag-jirka ah oo uu ku cabsiiyo dalalka deriska la ah Somalia.

Dalalkani dabcan awood ridan oo ay hub Maraykan uga iibsadaan malaha, balse waxay u anfacayaan siyaabo kale, sida inay khasab ku ogolaadaan inuu saldhigyo ka samaysto. Tusaale saldhigga Lamu, midka Jabuuti iyo mid ku yaalla Soomaali Galbeed.

MARAYKANKU MA DOONAYAA IN HALISAHAA MEESHA LAGA SAARO?

Siyaadda ku dhisan ciyaarta ku cunay ama ku ciidee (zero-sum game) oo uu Maraykanku aad u adeegsado waxay ku dhisan tahay in halisahaa qaabka istaraatijiga ah loo dhisaalay aan marna meesha laga saarin, waxaana la yiraahdaa joogtayta xaaladda markaa jirta (maintain the status quo), waayo haddii halisahaasi meesha ka baxaan cidina iibsan mayso hubka Maraykanka.

Xitaa haddii ay dhacdo inuu mid meesha ka boxo, si kastaba haku dhacdee, waa in la sameeyaa cid kale oo bedesha oo dadka lagu cabsiiyo.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media